Kooxda Wasaaradda Ganacsiga oo Hanatay Horyaalka Gobolka Awdal, iyadoo Hore u Haysatay XKC CUP

0
265

Naadiga kubadda cagta wasaaradda Ganacsiga gobolka Awdal ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee hal Xilli-ciyaareed kuwada guulaysatay horyaalkii heerka 1aad ee gobolka Awdal 2022 iyo Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta 2022 (XKC CUP).

Horyaalkii gobolka Awdal ee heerka koowaad oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa doraad la soo gunaanaday, kaasoo ay ku guuleysatay kooxda wasaaradda Ganacsiga ee gobolka Awdal.

Horyaalkan heerka Koowaad ee gobolka Awdal oo ka socda garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama, waxa hanatay kooxda Wasaaradda Ganacsiga ee gobolka Awdal oo hore ugu guuleysatay koobka xidhiidhka kubadda cagta ee gobolka Awdal.

Kooxda Wasaaradda Ganacsiga oo noqotay champion-ka horyaalka heerka koowaad ee gobolka Awdal iyo sidoo kale champion-ka koobka xidhiidhka kubadda cagta ee sanadka 2022.

Sidoo kale gobolka Awdal waxa dhawaan soo gabogaboobay horyaalka heerka labaad, kaasoo ay ku guuleysatay kooxda wasaaradda Beeraha ee gobolkaas.

Leave a Reply