Urur Siyaasadeedka Waaberi oo Cududda Taageereyaashiisa ku soo Bandhigay Hargaysa

0
303

Hargaysa (Dawan): Urur siyaasadeedka Waaberi ayaa shalay si buuxda u fuliyay ololaha shuruudda madax taabashadda 1000 ka qof ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanu si weyn u muujiyay xududiisa taageero ee shacabka Hargaysa, taasoo lagi qabtay garroonka Kubbadda Kollayga Tima Cadde, ee caasimadda Hargaysa.

Hawsha fulinta madax taabashadda ururadda siyaasadda oo shalay ay ahayd maalintii labaad ayaa urur siyaaaadeedka Waaberi waxa uu si weyn ugu soo bandhigay tiro taageereyaashiisa ah oo aad u fara badnaa.

Goobta ay madax taabashadda 1000 qof ee ururka Waaberi ka qabsoontay waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha ururka Waaberi C/rasaaq Ataash, iyo masuuliyiinta kale ee ururkaasi oo uu ka mid ahaa xoghayaha warfaafinta ee ururka Waaberi Maxamed Faarax Miigane.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi C/rasaaq Ataash, ayaa u mahad celiyay taageereyaashii faraha badnaa ee sida weyn u soo buux dhaafiyay garroonka Tima Cadde.

“Aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa guud ahaanba reer Somaliland  gaar ahaana reer Hargaysa, ee taageereyaasha ururka Waaberi. Maanta (shalay), fariintii ay dadka reer Hargaysa direen, waynu arkay nay. Dadweynihii soo bandhigay cududoodda, waxay ina tusaysaa im ay doonayaan xisbiyo miisaaman, iyo dal Somaliland la yidhaahdo oo caalamka ka hella ictiraaf buuxa, dad midaysan, iyo dal midaysan” ayuu yidhi guddoomiye Ataash.

 

Geesta kale xoghayaha warfaafinta ee ururka Waaberi ahna af-hayeenka ururkaasi Maxamed Faarax Miigane, oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in ay shalay u ahayd ururkoodda maalin weyn oo uu muujiyay cududda taageereyaasha uu ku haysto gobolka Maroodijeex, iyo caasimadda Hargaysa.

Waxaanu yidhi, “Saaka (shalay), waxay ahayd maalin ku weyn ururka Waaberi. Waxay ahayd maalin uu muujiyay cududda taageerro, ee uu ku haysto gobolka Maroodijeex, gaar ahaana caasimadda Hargaysa”.

Maxamed Faarax Miigane, waxa uu sheegay in tiradii loo qorsheeyay iyo taageereyaal kaloo aad uga fara badan in ay yimaadaan Garroonka Tima Cadde, ee ay madax taabashadu ka dhacaysay.

Taasoo markii ay u yimaadeen xubnaha ka socday guddiga diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabtu ay aad ula yaabeen dadweynihii tirada badnaa ee goobta soo buux dhaafiyay.

Waxaanu yidhi “Guddigu markay tiradda bilaabeen, waxay aad ula yaabeen ummada isku soo baxday. Iyadoo gudaha garroonka aya joogeen dad weyne 4000 oo qof ka badan. Halka sidoo kalena ay banaanka garroonka iyo hortiisa buuxiyeen ummad 4 kun oo qof ka badan.

Taasi waxay muujinaysaa taageeradda ay bulshadu u hayaan, ururka Waaberi, oo ah urur jiho cusub u jeexaya siyaasadda Somaliland”.

 

 

Dhinaca kale 13-ka urur siyaasadeed ee kale ayaa iyagna isla shalay sidan oo kale ololahoodda madax taabashadda 1000 qof ugu qabsaday caasimadda Hargaysa.

 

Urur siyaasadeedka Ubax ayaa isagu ku qabsaday garroonka 31-ka May, urur soyaaaadeedka Horseed ayaa isna taageereyaashiisa 1000 qof ku qabsaday Hargeisa Stadium,  halka urur siyaasadeedka Kaah, uu isna ku qabsaday xafiiska ururka ee xaafadda Badda Cas. Urur siyaasadeedka Barwaaqo ayaa isna 1000 qof ee ololaha madax taabashadda ku qabtay xafiiska ururka ee caasimadda Hargaysa, urur siyaasadeedka Daljir ayaa isna madax taabashadiisu ka dhacday garroonka Kubbada cagta ee xaafadda Xawaadle, halka ururka Miisaan uu isna ku qabsaday madax taabashadda xaafadda 150-ka gaar ahaana Aadan Ninteen.

 

Sidoo kale urur siyaasadeedka Mideeye aya isna xafladiisa madax taabashada ku qabsaday Maansoor Hutel, halka ururka Rejo uu isna ku qabtay xafiiska ururka ee magaaladda Hargaysa. Ogaal deegaanka 150-ka ee Aadan Ninteen. Hilaac garroonka Kubbadda cagta ee Dhalinta. Tallo-wadaag garroonka

 

Dhinaca kale maanta ayaa la filayaa in ururadda siyaasadu ay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ku qabtaan hawsha fulinta shuruudda madax taabashadda 1000 qof.

Iyadoona xalay ilaa shalay gelinkii danbe magaaladda Berbera si weyn looga dareemayay taageereyaasha ururka Waaberi oo dhoolo-tuskoodda ku muujinayay.

 

 

Leave a Reply