Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Dabagal ku samaynaysa Magafeyaasha Tahriibta.

0
331

Hargeysa(Dawan)Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa sheegtay in ay daba gal ku hayso magafeyaasha  dadka tahriibiya si  loo badbaadiyo dhallinyarada tahriibka ku dhimanaysa isla markaana magafeyaasha sharciga loo hor keeno.

Guddoomiyaha gudida la dagaalanka tahriibka ee Dawlada Hoose ee Caasimadda Hargeysa Axmed Caalim ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay.

Axmed Caalim ayaa sheegay in gudida la dagaalanka tahriibka ee Dawlada Hoose Caasimadda ay ka kooban yihiin
degmooyinka Magaalada Hargeysa,waxaanu intaa ku daray in Ururka loo sameeyay in dabagal ay  ku sameeyaan Magafeyaasha.

Axmed Caalim oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Gudidan waxa la sameeyay daboyaaqadii bishii sagaalaad ee ina dhaaftay,waana guddi ka kooban degmooyinka Caasimadda Hargeysa,waxaana loo sameeyay si loo yareeyo tahriibka oo muddooyinkii ugu dambeeyay sii batay.waxaana iska kaashaday la dagaalanka tahriibka dawlada hoose ee Hargeysa iyo Hay,adda IOM bishii ayaanu mar warbixin kala qaadanaa,waxa kale oo warbixino kala qaadanaa  degmooyinka Caasimadda Hargeysa,”.

Sidoo kale Axmed Caalim ayaa waxa uu tilmaamay wixii u qabsoomay.Waxaana uu yidhi”Waxaana noo qabsoomay  oo aanu dhamaystirnay  hoosaadkii aanu ku dhaqmaynay,waxaana aanu doonaynaa in aanu hawshan dhaqaajino oo ay nala shaqeeyaan gudiyada nabedgalyada ee  degmooyinka Caasimadda Hargeysa,waxaana aanu dabogal ku samayn doonaa magafayaasha Tahriibta ka shaqeeya, waxaana aanu wada shaqayn la leenahay Wasaarada Arimaha gudaha Wasaarada Arimaha Dibada Wasaarada Cadaalada iyo Hay,ada Barakacayaasha Qarank

Leave a Reply