Xildhibaan ku Taliyay soo Saarista Dhuxul-dhagaxda si Dhirtu u Badbaado

0
273

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in waxa kaliya ee lagaga baaqsan karo dhirta maalin qayilka iyo duruufaha nolosha loo gubayo inay tahay iyada oo dalka Dhuxul Dhagax laga soo saaro.

Waxa uu sheegay in geed weyntii manaafacaadka u lahayd bulshada maalin walba la jarayo iyada oo kaliya la eegayo duruufta markaa taagan, isla markaana magaalooyinka loo iibkeenayo iyada oo la dhaafsanayo kharashaad aan badnayn.

Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay si loo helo degaan badqaba in lagu dhiirado sidii Dhuxul-dhagaxda loo soo saari lahaa.

Waxaanu yidhi.“Geedkan dadku dhuxusha ka dhigayaan duruufba dadka ku khasabtay maxaa lagaga gudbayaa? Dalkeenu Dhuxul Dhagax ayuu leeyahay fara badan, waxaan soo jeedinaya geedkaasi Dabargo’aya waxa lagu maarayn karaa oo lagu joojin karaa, oo lagu dayn karaa, Dhuxul dhagaxda oo la soo saaro, sida aan filayana qiimo badan ayay ku kacaysaa hawl badan ayay u baahantahay.

Marka sida loo doonayo warshedda sibidhka iyo dhuxul dhagaxda iyo khayraadka dalkeena ku jira aan ka faa’idaysano ayaan leeyahay”

Inta badan degaanada Somaliland bulshada dhirta sida macno darrada ah u shidda ma helaan wacyigelin la xidhiidha illaalinta degaanka qiimaha geedka meesha ka baxay u leeyahay san ku neeflaha, inta badana geed ayuunba la jara balse geedka la jaray laftiisa mid bedela dib looma beero.”

 

 

 

Leave a Reply