Xeer Xukuma lama hayo Qaxoontiga Dalka Jooga mana Diwaangashana”Guddoomiye Saleebaan

0
387

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa walaac ka muujiyay qaxoontiga tirada badan ee sharci darrada dalka ku jooga, oo uu sheegay in aan laba diwaangelin.

 

Waxaa kale oo uu xusay in aanu jirin xeer lagu maamulo dadka qaxoontiga ah ee dalka ku sugan, waxaanu mudaneyaasha ku adkeeyay in xeerka qaxoontiga iyo magangelyo doonka in ay iska xilsaaraan sidii loo meel marinlahaa.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in xeerkaasi sahlayo in qaxoontiga dalka ku sugan meel la isugu geeyo, isla markaana caalamka inta kadib laga shaqeeyo sidii adduunyada kaalmo loogu weydiinlahaa.

Hadalkan guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli shalay mudaneyaasha golahaasi loo qaybiyay xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka oo ka soo gudbay golaha wakiillada Somaliland Xeer Lr. 103/2022.

Waxaanu yidhi.“Saaka(shalay) waxa inna horyaa xeerkii qaxoontiga iyo magangelyo doonka xeer Lr.103/2022.

Qaxoontiga tirada badan ee dalka jooga maba diwaangasha ayaa la yidhi, sharci xukumaana ma jiro, haddaba waxa la innooga baahanyahay sharcigii aynu ku dhaqilahayn,   oo marka ay ugu yar tahay la innaga xareeyo oo adduun weynaha wax loogu doono

Leave a Reply