Wakhtiga Ayaa Muhiim Noo Ahaa!

0
187

Dalka Spein Darwal tareen ayaa gurigiisa iska tegay ka dib markii uu jiray safar qaatay 300 Rakaabka ayaa muddo dheer sugayay darwalka oo aaminsanaa in uu imanayo , iyadoo markii 9:00 habeenimo gaadhay shirkadu u keentay gaadiid kale oo halkaasi ka qaada oo gaadhsiiya caasimadda Madrid oo ah halka ay u socdeen 2:30 habeenimo.

Afhayeen u hadlay ururka darwaliinta Tareenada ayaa sheegay in darawalku shirkadda ogaysiiyay in saacidihii shaqadiisa ay ku dhawdahay  dhamaad isla markaana aanu doonayn inuu saacado dheeraad ah sii sheqeeyo oo ay dhib ku tahay, laakiin aanay shirkaddu si dhakhso ah uga jawaabin arinkaasi oo iyadu ay khaladkaasi gashay.

Shirkaadda Renfe oo ah shirkadda Tareenada ayaa iyaduna dhinaceeda ka cudur daaratay oo raali gelin siisay Rakaabka iyadoo isla markaana dhamaantood u celisay noolkooda oo dhamaystiran inkasta oo ay goobohoodii gaadhsiisay. Laakiin rakabka ayaa aad uga xumaaday wakhtiga ka lumay, oo ay sheegen in uu  ala muhiimsan yahay noolka loo celiyay.

 

 

Leave a Reply