Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed oo lagu soo Dhaweeyay Magaalada Laascaanood

0
343

Laascaanood(Dawan):-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal iyo hogaanka Ururka  ayaa shalay  si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal  ayaa uga mahadnaqay taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Horseed soo dhawayntii ay ku qaabileen weftigan uu hogaaminayay.

.Waxaana uu yidhi”Waxa aan idiika mahadnaqayaa  soo dhawaynta qiimaha la hayd ee aad nagaga hor timaadeen 20 Kiiloo Mitir iyo wakhtigiina aad na siiseen,waana aan filayay sidaa iyo si ka waynba lay soo dhaweeyo,waxaana  aan ku faraxsanay in aan idila kulmo,”.

Sidoo kale  Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu tilmaamay in rajaynayo in Urur Siyaasadeedka Horseed guul ka soo hoyn doono Madaxtaabashada kunka qof ee Magaalada Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Wax badan ayaanu dadka Gobalkan soo wada shaqaynay waxaana aanu is arki doonaa ragii aanu soo wada shaqaynay ee Gobalkan.maalinta bari waxa jirta Madaxtaabashadii kunka qof oo aanu u nimid waxaana aynu iskugu imanaynaa Garoonka Nin waliba waxa uu keeni karo dad.waxaana dambeeya olalihii Doorashada Ururada iyo  tartankii  barina guul ayaan rajaynayaa in inoogu dhamaato Madaxtaabashada kunka qof,”.

Leave a Reply