Waxaynu ku sii Dhawnahay Xilligii ay Dhacayeen Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyaddu,”.Wasiir Kaahin

0
248

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay hawlgalkii  Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasaddu   ku soo gabogabeeyeen Madaxtaabashada kunka qof ee Ururada Siyaasada ee Gobalada dalka.

Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in Wasaarada arimaha guduhu kala shaqaysay
gudida Diwaangalinta  Ururada Siyaasada Madaxtaabashada dadkii looga baahnaa Ururada Siyaasadda.

Maxamed Kaahin oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Guud ahaan Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ka socday hawshii Ururada Siyaasada oo dhamaatay muddadoodii,waxaana lagu jiray in la soo dhammaystiro tirada Madaxtaabashada  Ururada Siyaasadda ee lixda Gobol doorasho oo soo dhaamaday, Wasaaradda arimaha Gudaha waxa ay kala shaqaysaa xaga nabedgalyada   gudida Diwaangalinta  Ururada Siyaasada iyo Komishanka Dooorashooyinka Qaranka,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku boogaadiyay gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada  soo dhammaystirka Madaxtaabashada kunka qof ee Ururada Siyaasada ee Gobolada dalka.”Waxaan boogaadinayaa shacabka Somaliland ee Gobolada dalka ku dhaqan iyo   gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta qaranka sida xil kasnimada leh ee ay usoo gabogabeeyeen hawshaas,waxa kale oo aan boogaadinayaa Ururada Siyaasada sida Wanaagsan ee xeerarka ugu hoggaansameen,waxaana aan hambalyaynayaa Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Qaranka oo gacan siinayay gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada.waxaaynu ku sii dhawnahay xilligii  Doorashooyinku dhacayeen shirkii Golaha Wasiirada waatii laga ansixiyay Miisaaniyaddii Doorashada Ururada Siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyadda,”

 

 

Leave a Reply