Taageerayaasha Iran ee Qatar oo u kala baxay taageerayaasha Dawlada iyo mucaaridka

0
321

Iska hor imaad u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda Iran iyo dad mudaaharaadayay ayaa ka dhacay ciyaartii labaad ee koobka adduunka ee Qatar Jimcihii.

Qaar ka mid ah taageerayaashii mudaaharaadka dhigayay ayaa sheegay in laga qaatay calamadihii mudaharaadka halka kuwa kalena lagu qeyliyay lana dhibaateeyay.

Saraakiisha amaanka garoonka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay funaanado iyo agabyo kale oo ay ku muujinayaan falal ka dhan ah dowladda.

Mudaaharaadyo ayaa dalka Iran ka socday tan iyo dhimashadii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd bishii September.

Ms Amini ayaa booliska akhlaaqda ay ku xidheen magaalada Tehran kadib markii lagu eedeeyay in aanay si fiican u daboolin timaheeda waxaana ay ku dhimatay xabsiga. Bannaanbaxyada ayaa ku fiday dalka oo dhan iyada oo dadka ay dalbanayaan isbedello ay ka mid yihiin in la helo xorriyad dheeraad ah ama in dalka la dumiyo, dowladduna waxay kaga jawaabtay weerarro lagu hoobtay.

Jimcihii – ciyaartii Iran iyo Wales ee Koobka Adduunka – qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa haystay calanka maamuladii ka horeeyey kacaanka,  balse taageerayaasha dawladda ee ku sugnaa garoonka Axmad Bin Cali ayaa ka furtay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in aflagaado loo geystay qaar ka mid ah dadka xidhan funaanado ay ku xardhan yihiin Nolol iyo Xoriyad Haweenka ah” – odhaahdaasi oo noqotay mid weedhaha ay isugu soo baxaan dibadbaxayaasha ka soo horjeeda maamulka Iran.

Mid ka mid ah daawadayaasha Iran ayaa ku eedeeyay booliska Qatar inay ku amreen in ay iska tiraan magacyada dad mudaaharaadayay oo ay dileen ciidamada ammaanka Iran. Haweeney kale ayaa sheegtay in laga hor istaagay inay xidhato funaanad ay ku sawiran tahay Marwo Aamini.

Haween waraysiyo ku saabsam mudaharaadka siinayay jaraa’idka ajnabiga ah ayaa sidoo kale la arkayay iyaga oo ay dhibayaan ugu yaraan hal koox oo rag ah oo dawlada taageersan. Qaar ka mid ah ayaa Mobile-laga duubayay waxaana Raggaasi ay si weyn ugu dhawaaqayeen “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan”.

Ciyaartii ay Iran 2-0 kaga badisay Wales, ayaa la arkayay ciyaartoyga Iran oo lagu orinayo laguna Foorayo ka dib markii ay qaadeen heesta Calanka.

Ciyaartoodii hore ee ay isniintii la yeesheen England,ciyaartoygu way aamuseen iyaga oo muujinayay inay taageersan yihiin mudaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo.

Qaar ka mid ah taageerayaasha garoonka ayaa xidhnaa koofiyadaha ay ku qoran yihiin magaca ciyaaryahankii hore ee kubada cagta Iran, Voria Ghafouri.

Ghafouri oo 28 jeer u saftay dalkiisa, waxa uu qayb ka ahaa xulka Iran ee Koobka Adduunka 2018, ka maqnaanshihiisa xulka 2022 ayaa dad badan ka yaabisay.

Ciyaartoygan ahaa Iran-Kurdishka ayaa ahaa cod caan ah oo difaacaya Kurdiyiinta Iran ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Leave a Reply