Xulka Senegal oo Noqday Waddankii ugu Horreeyay ee Afrika ah ee Gudba Wareegga 16-ka

0
215

Xulka qaranka Senegal ayaa noqday dalkii koowaad ee Afrikaan ah ee u gudba wareegga 16ka Koobka Adduunka, waxaanay meel saareen oo ay ka adkaadeen Ecuador oo hadhay iyadoo afar dhibcood haysata.

Senegal ayaa guul 2-1 ah ka gaadhay Ecuador, waxaanay noqotay dalka kaalinta labaad kaga soo gudbay group-ka A, halka Netherlands oo 2-0 ku jiidhay dalka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ay kaalinta koowaad kaga soo gudubtay hormada A.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Ismaila Sarr iyo Kalidou Koulibaly ayaa xulka Senegal u diray wareegga 16ka, waxaanay ka farxiyeen qaaradda Afrika oo kulamadii koowaad ay shanta dal ee ka socday guul-darrooyin iyo barbarro ku dhamaysteen.

Daqiiqaddii 44aad ee dhamaadka qaybta hore ayay Senegal la hormartay gool uu u dhaliyey weeraryahanka orodka badan ee Ismaila Sarr, waxaase markii laga soo noqday waqtiga nasashada goolka barbarraha keentay Ecuador oo uu gool u dhaliyey Moisés Caicedo oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 68aad.

Kabtan Kalidou Koulibaly ayaa go’aamiyey guusha xulka qaranka Senegal, waxaana uu dib ugu soo celiyey qarankiisa hoggaanka laba daqiiqadood kaddib goolka ay Ecuador la timid.

Senegal oo guul-darro ku bilaabatay Koobka Adduunka oo ciyaartii koowaad ay Holland ka badisay, ayaa waxay israaciyeen laba guulood oo xidhiidh ah oo ay ka gaadheen Qatar iyo Eucador, waxaanay sidaas ugu soo gudbeen wareegga 16ka Koobka Adduunka.

Dhinaca kale, xulka qaranka Holland ayaa usoo baxay wareegga 16ka iyaga oo 2-0 ku burburiyey Qatara oo ahayd dalka martigeliyey tartanka. Laba gool oo ay kala dhaliyeen Cody Gakpo iyo Frenkie de Jong ayaa Holland u xaqiijiyey inay kaalinta koowaad kaga soo gudbaan group-ka A, halka Senegal ay kaalinta labaad kusoo baxday.

Leave a Reply