Kulan lagu Gorfaynayo Siyaasadaha Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo la qabtay

0
255

 

Hargeysa-(Dawan):- kulan lagu gorfaynayo Siyaasadaha Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa  lagu qabtay Hargeysa.

Shirka oo muddo laba cisho socon doona oo dib u eegis loogu sameynayo qaar ka mid ah habraacyadda iyo siyaasadaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayey ka soo qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha, Wasiir-xigeenka Ganacsiga, Wasiir xigeenka Arrimaha dibedda, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda, Wakiilada Somaliland ee caalamka qaarkood, Marwo Edna Adan, khubaro kale iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha dibedda.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibedda Siciid oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in lagu faaqidi doono dokumentiyo Wasaaradu diyaarisay, si ka qeybgelayaashu fikirkooda ugu kordhiyaan.

Md. Siciid ayaa sheegay in Wasaaradu diyaarisay afar dukumeenti oo muhiim ah, kana mid yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland (Somaliland Foreign policy), Xeerka shaqaalaha arrimaha dibadda Somaliland (Somaliland Foreign Service Act), Hagaha Safaradaha Dibadda ee Somaliland (Somaliland Foreign Mission Act) iyo Siyaasadda Isgaadhsiinta (Communication Act).

Marwo Edna Adan oo madasha ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay kaalinta Wasaaradu ugu jirto Qaranka iyo caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxaanay tidhi waxaan u baahan nahay in dhamaan wadamada caalamka aynu dardargelino sannadka cusub si aynu u soo xaqiijino xuquuqda caalamka inanga maqan.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay diyaarinta qorsheyaal, istraatiijiyad iyo halbeegyo, sannad walba lagu xisaabtamo halka aynu ka joogno.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa raaciyey in sababta aqoonsi loo heli waayey iyo dalalka ugu dhow aqoonsigeena jawaabahooda waa inaynu qorshe ka yeelano.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadam Cilmi oo hadal ka jeediyey in khubaro kala duwan talooyin dhaxalgal ah soo jeediyeen, isla markaana waxuu ku amaanay madaxda Wasaarada Dibedda dedaaladooda.

Safiir Adan Muuse Jibril oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in wax badan Somaliland u qabsoomeen la innagu amaano, uguna weyn tahay nabada oo dib-u-heshiisiin ku timi, maadama nabad aan dib-u-heshiisiin ku dhisnayn aanay dunnida sadexaad ka hirgelin.

Wasiir xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac oo kulanka furay ayaa sheegay in siyaasada Arrimaha Diebdda marka laga hadlayo tahay shaqo guud iyo siyaasad wadareed, maadama masuuliyada ugu weyn tahay sidii aynu Qaran caalamka ka mid ah u noqon lahayn.

Md. Cabdinaasir ayaa sheegay in muhiimadeena ugu weyn tahay sidii aynu u saxi lahayn khaladkii aynu lixdankii galnay ee sida fudud gacmaheena uuga baxday gobonimadii iyo dawladnimadii aynu haysanay.

Leave a Reply