Badhasaabka Sool oo ka Hadlay Xaaladda Laascaanood iyo Bilawga Diiwaan-gelinta

0
218

 

Laascaanood (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa ka hadlay xaaladihii u danbeeyay ee rebashadihii doraad ka dhacay magaaladda Laascaanood, kadib markii ay dadka magaaladaasi ka cadhoodeen nin habeen hore lagu dilay magaaladaasi.

Waxaanay dadweynaha Laascaanood dhigeen mudaharaad ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin in xukuumadda Somaliland aanay waxba ka qaban dilal soo noq-noqday ee ka dhaca Laascaanood.

Iyadoona mudaharaadkii Salaasadii ay saddex qof oo dhalinyaro ahaa ku dhaawacmeen, halka ay ilaa toban qof oo kalena ku dhaawacmeen, sida uu sheegay  badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxaanu sheegay badhasaabku in mudaharaadkii Salaasadii ka dhacay Laascaanood in ay ka danbeeyeen kooxaha dilalka ka gaysta magaaladaasi, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay iyagu soo abaabuleen.

Kooxdaasi aanu Carabaabin ayuu ku tilmaamay badhasaabka Sool  in mudaharaadkaasi ay laba qorshe ka lahaayeen, kuwaasoo kala ahaa in ay ku raad gataan dilka ay gaysteen si aan loo dareemin, iyo in ay khal-khaliyaan magaaladda Laascaanood si aanay diiwaangelintu uga qabsoomin.

Badhasaabka tacsi u diray eheladda iyo qarraabada marxuumkii lagu dilay Laascaanood, iyo saddexdii qof ee  ku geeriyooday rebshadihii ka dhashay mudaharaadkii, halka uu sidoo kale ALLE SWT uga baryay inuu caafimaad siiyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmayRasaas ay ku kala eryayeen ciidamadda amaanku.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in dadka dhaawaca ah intoodda badan ay dhaawacyadoodda fudud yihiin. Waxaanu yidhi, “Laba qorshe ayay ka lahaayeen mudaharaadkii, in ay ku raad gataan dilka ay gaysteen si aan loo dareemin, iyo in ay khal-khaliyaan magaaladda Laascaanood si aanay diiwaangelintu uga qabsoomin. Marxuumiitnii ku dhintay mudaharaadkii oo ahaa 3 dhalinyaro ahaa, toban qof na way ku dhaawacmeen. Mudaharaadkii waxaa soo abaabulay sidaanu filayno dadkii dilka gaystay, si ay umadda iyo shacbiga, gobolka Sool iyo degmadda Laascaanood ugu mashquuliyaan wax kale, si aan loo dareemin, ama aan daba-gal loogu samaynin. Taas ayaa koow ka ahayd, iyo iyadoo qorshahoodu ahaa in aanay diiwaan-gelintu ka qabsoomin gobolka Sool, taana ay ku ladhaan”.

“Dilalka qarsoodiga ah, ee lagu dilayo dadka waxgaradka iyo aqoon yahanka ee gobolka Sool, dawladda laamaheedda amaanka ee kala duwan dhamaantood ab si awood leh ayay uga shaqeeyaan. Balse, arrinta dhibka ah ee taagani waxa weeye, shacabka Sool  oo aan la shaqaynin haayadaha amaanka. Shacabka Sool waxaanu ka codsanaynaa in ay nagala shaqeeyaan amaanka, haday tahay laamaha amaanka, maamulka gobolka, iyo dhamaan haayadaha dawladda”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa ku eedeeyay kooxaha uu sheegay in ay soo abaabuleen mudaharaadkii in ay ka soo hor jeedaan in aanay reer Sool  gaadhin horumarkoodda iyo waxa ay hiigsanayaan, isagoona bulshadda gobolkaasi ugu baaqay in kooxahaasi meel looga soo wada jeesto.

“Rebshadda waxaa ka faa’iidaysanaya dad doonaya, in aanay dadkani horumarkoodda iyo halka ay hiigsanayaan gaadhin. In dhalinyaradda ay waxbarashadoodda ka khal-khaliyaan, in ay dadka maayac-mushtarka ah ee horumarka wadda ganacsigoodda ka khal-khaliyaan. Waxaanan leeyahay waa in aan dadkaasi meel uga soo wada jeedsano, dhamaanteen ba, haday nu nahay shacabka gobolka Sool.

 

Waxaan leeyahay shacabka gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood is dejiya. Dhibaatadda iyo mashaakilku wax uu tarraa ma jirto, horumarka Laascaanood ayuun baa la doonayaa in la dhaawaco. Waxaana waan garanaynaa cida ka danbaysa.

Dilalka qorshaysan ee magaaladan Laascaanood ka dhaca, ee aynaan garanayn cida ka danbaysa qaarkood… waxaa jiray dad dhawaan la qabtay, oo la hayo, kuwaasoo gacanta lagu dhigay iyagoo doonayay in ay wax dilaan, kuwaasoo markii la qabanayay dagaalamay, oo is difaaca, iyagoo dhaawac ahna la qabtay. Kuwaana baadhitaankoodii ayaa lagu jiraa, oo kama hor dhacayo”.

Waxa kaloo uu sheegay in C/kariin Xaaji Diiriye, in mudaharaadkii la soo abaabulay aanay bilawgii ciidamadda amaanku ka hor tegin, hase yeeshee markii danbe ee ay xaaladii faraha ka baxday ee ay weerar ku soo qaadeen hantidii ummada in ay ciidamadu ka hor tegeen dadkii mudaharaadayay.

“Mudaharaadkii la soo abaabulay, waxaan aad isugu tacalujinay, in aanay ciidanku hor istaagin ee aanu dayno, bal in ay si nabad-geliyo ah u marraan. Aad baanan markii hore uga taxadirnay in aan ciidan la gaynin. Markii danbe ee ay xaaladii faraha ka baxday, ee ay weerar ku soo qaadeen hantidii ummada, ee la bur-buriyay gaadiidkii, guryihii, meheradihii, iyo dadkii masaakiinta ahaa meheradahoodii. Markii danbe na looga gudbay shirkadihii waaweynaa ku  yaallay gudaha magaaladda Laascaanood, taasi ayaana keentay inuu ciidanku gallo, oo uu is difaaco. Meel walba na ay ku xidheen Dhagaxaan, oo ay Shiid bilaabeen, iyo Wadhaf.

Waxyaabaha xaqiijinaya inuu mudaharaadku  ahaa qorshe abaabulan, oo ay dilka iyo mudaharaadka isku beegeen, Wadhafka wax lagu Shiidayay wuu qorshaysnaa, ee ay dhalinyaradii mudaharaadka samaynaysay isticmaalayeen” ayuu yidhi C/kariin Aadan Xaaji Diiriye.

Badhasaabka oo fariin u dirayay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dadka waayeelka ah, jiif caaqiladda, cuqaasha, waxgaradka, culimaw-diinka, aqoon yahanka, maayac-mushtarka, iyo haweenka, iyo intii kale ee waxgarad ahba, in aynu ciyaalkeenna ilaashano. Baddi dadkii rebshadaha samaynayay, waxay ahaayeen dhalinyaro yar yar, oo Maskaxda laga soo xaday, oo la addeegsanayay, oo aan garanayn ba meesha ay u socdaan iyo waxa ay doonayaan”.

Geesta kale guddoomiyaha Sool waxa uu sheegay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay shalay ka bilaabantay dhamaanba goobihii loo qorsheeyay in ay ka dhacdo, marka laga reebo afarta goobood ee gudaha magaaladda Laascaanood.

“Haddii aan ka hadlo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobolkan Sool, goob kasta diiwaan-gelintii way gaadhay. Min Boocame, ilaa Xudun inta u dhaxaysa, iyo Dhumay, ilaa inta u dhaxaysa, Yayle, Yagoori, ilaa Laascaanood, goob aanay hadda shaqadu ka socon ma jirto. Marka laga reebo afarta goobood ee gudaha magaaladda Laascaanood ay tahay, oo shalay (doraad) markii rebeshku dhacay darteed aanu u joojinay. Maanta na (shalay) waxaa noo yaallay Mayd, iyo dhaawacii, oo maalin diiwaan-gelin loo darreero may ahayn, taana sida ugu dhakhsaha badan ayaanu u bilaabaynaa”.

Dhinaca kale badhasaabka C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, waxa uu sheegay in ay Laascaanood soo gaadheen wefti ka socda xukuumadda dhexe ee JSL oo ka soo baxay caasimadda Hargaysa, oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal guud, iyo madax kale.

Kuwaasoo markii hore u socday bilawga diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha balse ay la kulmeen rebshadihii iyo buuqii magaaladda ka dhacay, isagoona xusay inuu weftigaasi shir kula yeeshay xafiiskiisa, iyadoo dhamaantoodba masuuliyiintaasi ay ka soo jeedaan gobolka Sool.

 

 

 

Leave a Reply