Hooyadii Muhiimka Ahayd Ee Taariikhda Gashay!

0
424

Imaamu Shaafici wuxu ahaa agoon , wuxu noqday caalim weyn iyo imam caan oo ay mad-habtiisa dalal badan ku dhaqmaan, arintaasi waxa Allah (sw) sabab uga dhigay korinta hooyadii. Taabicigii caanka ku ahaa xikmadaha ee Sufyaan  Asawri oo laga dhaxlay cilmi waxtar leh, ayaa isaguna ahaa agoon ay heerkaasi waxtarka leh inuu gaadho kula dadaashay hooyadii. Waxayna hooyadii ku odhan jirtay baro cilmiga aniga ayaa ku filan noloshaade, sidaasi ayuu ku noqday  caalim weyn oo muslimiinta caan ka ah waxtarna weyn u yeeshay.

 

Maxamed Binu Ismaaciil Binu Ibraahim (Imaam Bukhaari ) wuxu ahaa isaguna agoon, waxaana heerka aqoontaasi sabab u ahayd dadaalkii hooyadii ilaa maanta ay yihiin Axaadiista  Bukhaari kutubta ugu caansan muslimiinta ee laga helo axaadiista sexeexa ah oo Rasuulkeena Muxumed (scw) laga weriyay.

 

Saxaabigii Subayr Binu Cawaam wuxu ahaa agoon waxaana ay ku tababartay hooyadii inuu leebka si fiican u barto ilaa uu gaadhay heer aanu la seegin wixii uu la shiisho.

Ciidamada gaalada marka loo sheego inuu Subayr ku jiro ciidanka ay iska hor imanayaan way ka argagixi jireen. Waxaana uu ka mid ahaa saxaabadii Rasuulku (scw) ugu bushaareeyay Janada. Sidaasi ayay hooyooyinku usoo saareen culimo waaweyn oo waxtar u yeelatay ummada muslimiinta iyo geesiyaal cabsi geliyay cadawgooda.

 

Leave a Reply