“Diiwaangelintii Cod-bixiyeyaashu si nabad ah ayey uga bilaabmatay dalka”

0
247

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in hawlahii diiwaangelinta codbixiyeyaashu si nabadgelyo ah uuga wada bilaabmatay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka shalay, waxaanu bulshada uugu baaqay inay is-diiwaangeliyaan.

Gudoomiye Muuse oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta komiishanka ayaa sheegay in maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 28 December 2022 farxad weyn u tahay in dib-u furistii diiwaangelintii codbixiyeyaashu ee qorshaysnayd ay goobahii loogu tallogalay ka bilaabmatay si nabadgelyo ah.

Waxuu uugu baaqay dhamaan shaqaalaha goobaha diiwaangelinta inay ilaaliyaan oo tixgeliyaan dadweynaha is-diiwaangelinaya, gaar ahaan dadka waayeelka ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gudoomiyaha komiishanka Md. Muuse ayaa uugu baaqay muwaadiniinta inay ilaaliyaan nabadgelyada goobaha diiwaangelintu ka socoto, una gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee diiwaangelinta.

Waxuu mahadcelin u jeediyey dhamaan ciidamada Qaranka ee heeganka u ah isla markaana ilaalinaya nabadgelyada goobaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu ka socoto.

Leave a Reply