Masuuliyiinta KULMIYE oo Bushada u soo Jeediyay in ay ka Faa’iidaystaan Fursada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

0
296

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye bushada Somaliland u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan fursada diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ee dalka ka socota.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, kana mida siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa bulshada u soo jeediyay in is-diiwaangeliyaan, si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sannadkan aynu ku jirno.

Waxaanu yidhi.“Waxa Somaliland meel walba ka bilaabantay kaadh qaadasha diwaangelinta codbixiyayaasha, si dadka intii qaangaadhay iyo intii aan nasiibka u helin ay qaataan, marka maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, oo dhammaan bulshadeena aynu ku dhiirigelinayno in ay u dareeraan goobaha diwaangelinta.

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadduba waxa ay xil iska saareen in dhammaanba arrimaha la xidhiidha diwaangelinta, cid inaga caawisay majirto ee waxa bixisay kharashka ku baxay xukuumadda Somaliland waana wax ILLAAHEY loogu mahadnaqo”

Af-hayeenka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in xisbigaas dadaal galiyay sidii bulshada loo fahan-siin lahaa qiimaha ay leedahay ka qayb-qaadashada diiwaan-gelinta, taas oo muwaadiniintii aan hore isku diwaan-gelin ama qaan-gaadhay ay hadda iska diiwaan-gelin karaan goobaha ay ka socoto hawaashaasi.

Af-hayeen Cabdinaasir Buuni wuxuu bulshada u soo jeediyay in is-diiwaan-geliyaan si ay u helaan xaqooda ah in ay wax doortaan, lana dooran karo.

Waxaanu yidhi.“Hadalkii dhagaha dadka ku cusbaa ee shalay uu jeediyay isla markaana go’aankii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu sheegay in go’aankoodii hore ee 13-ka November si khaldan loo turjumay, waxa aanu u ragna hadal uu ku saxayay qaladkoodii hore ee 13 November, waana tallaabo uu u qaaday xagga wanaagsa.

Waxa uu sheegay inay jiraan saddex xisbi Qaran, hase ahaate waxaanu sheegin in tobankii sano ee la doortay ay dhammaadeen sidaasi darteedna liisankoodii sharci uu dhacay, si ay u noqdaan xisbiyo Qaran oo liisankoodii u dhan yahay, ay u baahan yihiin ay tartan doorasho la galaan ururada cusub ee jidkii sharciga ahaa soo maray”

 

Leave a Reply