Madaxweynaha oo Kormeeray Xarumaha Diiwaangelinta Caasimada

0
177

 

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee degmooyinka caasimadda Hargeysa, taas oo si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maayarka caasimadda iyo ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo ku-xigeenkiisa, ayaa soo indho indheeyey goobaha ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu ka socoto, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo warbiximo ka dhegaystay masuuliyiinta komishanka qaranka u qaabilsan goobaha uu kormeeray.

Dadweynaha safafka ugu jirey isdiiwaangelinta, ayaa madaxweynaha sacab kusoo dhaweeyey, kuwaas oo ku faraxsanaa sida ay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga go’an tahay in diiwaangelinta codbixayaasha oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka.

Madaxweynaha oo markuu kormeerka soo dhammaystay hadal jeediyey ayaa ku bogaadiyey bulshada hanaanka ay ugu soo baxeen diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha isla markaana sheegay inay muwaadiniintu si habsami leh waajibkooda u gudanayeen, waxana uu yidhi,“Dadku aad iyo aad bay u abaabulnaayeen, waxayna muwaadiniintu gudanayeen masuuliyaddoodii ahayd inay qaataan kaadhka cod-bixinta ee talada dalka cidda hoggaaminaysa kaga qaybgelayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo diiwaangelinta qayb ka ah, isaga oo ku tilmaamay Albaabkii u horreeyey ee dalka doorasho uuga suurogelaysay, isagoo yidhi, “Maanta (Shalay) waxa aynu taagannahay albaabkii ugu horreeyey ee doorashooyinka, waana in diiwaangelintaa la galo, dhammaan dhallinyarada ka shaqaynaysa diiwaangelintana waan u mahadnaqayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Leave a Reply