Hawadda aynu maanta helno ee quruxda badan haddii aynu deegaankeenna ilaalin wayno way inagu yaraanaysaa…” Agaasimaha Guud ee W. Deegaanka JSL

0
256

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dedaalaysa sidii ay u dhaqan gelin lahayd Yoolalka horumarka waarra ee la xidhiidha arrimaha ilaalinta deegaanka.

Yoolalka waara oo ka kooban 17 qodob waxaa samaysay qaramadda midoobay, kuwaasoo eegaya dhibaatooyinka inaga haysta xagga dhaqaalaha, dhibaatooyinka xagga Deegaanka, inaga haysta, dhibaatooyinka xagga siyaasadda inaga haysta, iyo meello kale.

Hadaba qormadeenna todobaadkan ee Deegaan Jirre, waxaynu ku soo qaadan doonaa tababar dib u eegis loogu samaynayay hirgelinta qorshaha yoolalka waarra ee la xidhiidha arrimaha ilaalinta deegaanka.

Tababarkaasi oo uu furay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayay u jeedadiisu ahayd in wasaaradda Deegaanka iyo wasaarradaha bah-wadaagta la ah ee kala shaqeeya maamulka khayraadka dabiiciga ah in lagu tababaro, wasaarradaha Beeraha, Qorshaynta, Xaananadda Xoolaha, Deegaanka, iyo haayadda aafooyinka qaranka.

Wasaarradahaasi iyo haayadahaasi oo uu barnaamijkaasi khuseeyo ayaa lagu tababarayaa sidii ay u ogaan lahaayeen, wasaarad waliba qaybteedda.

Ka qayb galeyaasha tababarkaasi ayaa ka kala socday wasaarradaha Biyaha, Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga, hayadda ka hor taga aafooyinka dabiiciga ah, iyo saraakiil kale oo ka socday wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda JSL.

Shirkaasi ayaa daba socday shirar hore oo taxane ahaa, oo ay wasaaradda Deegaanku la yeelatay wasaarradaha dawladda iyo haayadaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Agaasimaha guud ee W. deeganka Maxamed C/laahi Ducaale oo furay tababarkaasi ka warbixiyay nuxurka tababarka iyo qodobadda uu ku saabsan yahay.

Waxanu yidhi “Nuxurka shirkaasi ayaa ku saabsanaa waxa loo yaqaanno Yoolasha Waarra (Sustainable development Goals), gaar ahaana qaybta la xidhiidha deegaanka, oo ay ku jiraan dhaqaalaha, siyaasadda, caafimaadka, iyo qodobka ku saabsan arrimaha deegaanka oo ah qdobka 17aad. Sidii qaybta deegaanka in capacity ga kor loo qaado. Sidii Yoolasha Waarra, wixii wasaaradda Deegaanka ka khuseeya loo gaadho”.

“Tababarkani mawduucyo muhiim ah ayuu cover garayn doonaa, idinka na idin anfici doona, haddii aad si fiican u dhugataan. Mawduucyadaasi mid waliba qaybihiisa ayuu leeyahay. Ha noqdo sidii loo ilaalin lahaa waxyaabaha ecosystems-ka, ee dhulka aynu leenahay, ee ah waxa loo yaqaanno Seere-kaymeedyadda. Haday tahay dhulka renge land ka ah, ee dhul-daaqsimeedka ah, haday tahay khayraadka Badda ku jira, iyo xoolaheena, intaba, waxay u baahan tahay ilaalinteedu hab strategyadeed, oo qorshe leh.

Strategy marka laga hadlayo, had iyo jeer wax baa la tixgelinayaa, oo gun-dhig u noqonaya arrintaa iyada ah. Casharkeenan maanta (3-dii December), wuxuu gun-dhigiisu noqonayaa side baynu Yoolashaa uga midho dhalin karnaa, inn aynu gaadhno, isla markaana awoodii nidaam iyo dawladeed, ee xafiiska ama hab maamul capacity gii hawshaa lagu qaban lahaa kor loogu qaadi lahaa, iyadoo taa la tixgelinayo. Waxaanay ila tahay in ay arrin muhiim ah tahay” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL.

Geesta kale Maxamed C/laahi Ducaale, waya uu ka hadlay saamaynta ay keeni karto haddii aan la hirgelinin qodobadda ilaalinta deegaanka ee ku jira Yoolalka Waarra.

“Haddii aynu arrintaa iyada ah gaadhi wayno, ama ay sidii la doonayay wax u dhici waayaan. Arrintaasi waxay keenaysaa saamayn xun, ayay ku yeelanaysaa haday tahay caafimaadkii, haday tahay nolosheenii guud ee bini’aadamkaba. Waayo? Waxan oo dhami sida Hawaddaa aynu maanta helayno ee quruxda badani, haddii aynu deegaankeenna ilaalin wayno, way inagu yaraanaysaa oxygen-tu.

Markaa waa in aynu maanka iyo maskaxda ku haynaa, haddii waxyaabahaasi aan soo sharaxay sidii la rabay aan u tixgelin wayno, saamayn xun, oo aan wanaagsanayn ayay nolosheenna ku yeelanaysaa” ayuu yidhi agaasimaha guud.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan idinku dar-daarayaa in aynu casharrada ka faa’iidaysano, si degan u dhegaysano, su’aalaha iyo doodaha na aad badisaan. Waayo? Aqoontu dadka ayuun bay ku dhex jirtaa, ee wax meel fog ka yimaadda maaha”.

 

Leave a Reply