Baadhista Iyo Denbiyada Qarsoon!

0
233

Sanadkii 2010 nin lagu magacaabo Greg Flenikne oo degenaa huteel ku yaalla Texas dalka Maraykanka qolka 348 ayaa ku dhintay gudaha qolkiisa. Masuuliyiinta huteelka ayaa ku wareeray sida ninkan uu u dhintay iyagoo sharax ka bixin waayay waxa sababay geeridiisa madaama aanay jirin cid kale oo u soo gashay qolkiisa ama la deganayd.

Laakiin markii ciidanka baadhayaasha denbiyada aqoonta u lihi yimaadeen waxay soo saareen in qolka ku xiga ay rasaas ka soo dhacday habeenkaasi ay asiibtay oo sabab u ahayd dhimashadiisa, Rasaastaasi oo aan muuqan halka ay ka soo dhacday iyadoo aad u yarayd awgeed. Baadhista ka dibna waxa la ogaaday in in habeenkaasi uu qolka ay ka soo dhacday uu ku jiray nin aad u isticmaalay maandooriye kaasi oo isagoo ku ciyaaraya qorigiisa aan codka lahayn xabadi ka dhacday ka dibna ka dustay gidaarka meel aad u yar oo aan muuqan kuna began sariirta ninkan dhintay ee Greg, isla markiibana ay caloosha ka asiibtay. Iyadoo taasi sababtay xanuunka uu dhintay. Ka hor baadhitaanka cidna ma ogaan karayn sababta dilkaasi. Baadhista denbiyadu waa aqoon heer saraysa oo muujisa denbiyo aanay ogaan Karin dadka caadiga ah.

Leave a Reply