Dalxiise Japan u dhashay oo Hindiya booqanayay ayaa badhatamaha caasimadda Newdelhi ka kiraystay Taxi si uu tago madaarka Gandhi Airport oo uu ka duuliyay.
Mudadii ay dariiqa ku sii jireen waxa dhaafay gaadhi, waxaan uu ku qayliyay dalxiisuhu โ waa Toyota waxa lagu sameeyay Japan, waa gaadhi dheereeyaโ.
Wax yar ka dib haddana gaadhi kale ayaa dhaafay waxaana dalxiisuhu kor ugu qayliyay โ Waa Nissan waxa lagu sameeyay Japan, wuu dheereeya, baabuur tayo lehโ.
Markii uu soo gaadhay Madaarka ayuu dalxiisuhu ku yidhiย wadaha : โ Maxaan lacag ku siiya โ waxaana uu ugu jawaabay 500 Rubeeโ. Dalxiisaha ayaa aad u yaabay oo ku yidhi oo waa qaaliye waa sidee?!
Darawalka oo gaadhiga uu watay Hindiya lagu sameeyay aya dhoola cadeeyay oo ku qayliyay โGaadhigan aan wataa waa Meter, waxa lagu sameeyay Hindiya, waa gaadhi dheereeye oo kuwa raaxada ahโ.
Qofka aad baahida u qabto ee ku adeegaya haka yasin hantidiisa taasi waxay gelinaysa cuqdad, darawalka ayaa lacagta u kordhiyay isagoo dareemayay inuu ahaa mid u xaqirayay gaadhiga uu wato iyo Hindiya waxay sameeyaan isla markaana amaanayo gaadiidka dalkiisa.
ย