Guddida Waxbarashada Qaranka oo Yeeshay Kulankoodii 10aad

0
226

Hargeysa (Dawan)- Guddida Waxbarashada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay isugu yimid Kulankoodii 10aad, kulankaasi oo la iskula gorfeeyay waxyaabihii ka soo baxay dib-u-eegista manhajka dugsiyada hoose dhexe iyo adeegsiga xogta.

Guddida Waxbarashada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo shir- gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed ayaa ka qabsoomay Xafiiska Guddida Waxbarashada Qaranka ee Magaalada Hargeisa.

Kulankan shalay waxa xubnaha guddida ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye iyo xubno ka mida Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Iyo Sayniska Jsl.

Intii uu kulanku soday Xubnaha Guddida Waxbarashada Qaranka ayaa warbixino Guud ka dhegaystay qaar ka mida Agaasime waaxeedyada Waxbarashada, waxaana layskaga xog- waraystay waxyaabihii ka qabsoomay dibu-eegista manhajka dugsiyada hoose dhexe, adeegsiga xogta waxbarashada (EMIS data) iyo tayaynta kormeerka waxbarashada oo kamid ahaa Ajandayaashii gudigu ay hore uga wada hadleen sidii looga hawl gali lahaa.

Geestoodana Waxaa Masuuliyiinta Agaasime waaxeedyadu ay soo bandhigeen caqabadaha jira ee u baahan in xal loo helo.

Halka xubnaha Guddida Waxbarashada Qarankuna ay ka hadleen muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo sugida xogta waxbarashada dalka, waxayna Wasaaradda Waxbarashada ku bugaadiyeen diyaarinta iyo ilaalinta xogta waxbarashada Qaranka.

Ugu danbayn waxaa laysla qaatay in la xoojiyo kormeerka waxbarashada, lagana faa’idaysto Xogta ku kaydsan weel xogeedka Wasaaradda Waxbarashada(EMIS) kaasi noqon doona ka ay daneeyayaasha waxbarashadu ku go’aan qaataan warbixinaha iyo xogaha ka soo baxa Wasaaradda Waxbarashada.

 

Leave a Reply