Agaasimiyeyaal Guud oo soo Kormeeray Mashruuca JPLG-ga ee Berbera

0
138

Berbera (Dawan) Agaasimiyeyaasha guud ee wasaaradaha arrimaha gudaha, waxbarashada iyo caafimaadka ayaa kormeeray masharaacii ka mida kuwa JPLG-ga ee ay gacanta ku hayso dawlada hoose ee degmada Berbera.

Mashaariicda la kormeeray wax aka mid ah ku la xidhiidha dhanka caafimaadka iyo waxbrashada, oo dhammaantood hirgalay.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa u mahadceliyay wasaaradda waxbarashada, oo uu tilmaamay in ay gacan ka siiyeen sidii dawlada hoose ee degmada Berberi u maamuli lahayd inta xeerku u ogol yahay.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka mid ah masuuliyiinta mashruuca JPLG ayaa sheegay in mashruucan u jeedadiisu tahay in dawladaha hoosee mashuucaasi ka socdaa ay u maamuli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin bulshada degmooyinkaas, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye aagaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa sheegay in dawlada hoose ee degmada Berberi ay si wanaagsan u maamusho adeegyada caafimaadka ee ay gacanta ku hayaan, waxaanuu intaas ku daray in qaybaha ka dhimana ay dhawaan wasaaradda caafimaadku u daadajin doonto in ay maamusho dawlada hoose ee degmada Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha guduhu diyaar u tahay in ay dawlada hoose ee degmada Bebera ku wareejiso adeegyada awooda u leedahay in ay maamusho.

 

Leave a Reply