Haweeneyda ugu da’da weyn dunida ayaa geerootay iyada oo 118 jir ah

0
402

Haweeneyda ugu da’da weyn dunida, haweeneyda u dhalatay Faransiiska ee Lucile Randon, ayaa geeriyootay iyada oo 118 jir ah.

Ms Randon – oo qaadatay magaca Sister Andre markii ay qaadatay madhabta Katoliga ee Kiristanka sanadkii1944-tii – waxay ku dhimatay iyada oo hurda gurigeeda dadka lagu xanaaneeyo ee ku yaal magaalada Toulon, France.

Waxay dhalatay 1904-tii, iyada oo ku dhalataay koonfurta Faransiiska, waxay soo martay laba dagaal oo adduunka ah waxayna nolosheeda inteeda badan u hurtay diinta Katooliga.

Waxay dhalatay markii Tour de France hal mar la dhigay masraxa, Sister André waxay sidoo kale goob joog u ahayd 27 madaxweyne oo soo maray Faransiiska.

Afhayeen u hadlay guriga lagu xanaaneeyo, David Tavella, ayaa warka dhimashadeeda la wadaagay warfidiyeenka Salaasadii.

Sister Andre ayaa la sheegay inay xidhiidh dhow la lahayd walaalaheed. Waxay mar u sheegtay warfidiyeenka mid ka mid ah xasuusteedii ugu wacnayd oo ahayd inay si nabad ah uga soo laabteen gurigoodii dagaalladii dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

In kasta oo ay indho la’ayd kuna socotay kursiga curyaanka, Sister André waxay daryeeli jirtay dad kale oo da’da ah – kuwaas oo qaarkood ay aad uga da’ yaraayeen.

Wareysi ay bishii April la yeelatay wakaaladda wararka ee AFP, Sister André waxay tidhi:  “Dadku waxay yidhaahdaan shaqadu way dishaa dadka, laakiin aniga shaqada ayaa i sii noolaysay, waxaan sii waday shaqada ilaa aan ka gaadhay 108.”

Isla waraysigaas, waxay sheegtay inay ku fiicnaan lahayd in ay hoyato, laakiin ay sii waday inay ku raaxaysato raaxada adduunka sida cunista shukulaatada iyo cabbitaanka koob khamri ah maalin kasta.

Waxa ay ahayd curada Yurub in muddo ah, waxa ay gashay Buuga Guinness Book of Records bishii April ee la soo dhaafay iyada oo ah qofka ugu da’da weyn adduunka ka dib dhimashadii Kane Tanaka, oo ahayd haweenay u dhalatay Japan oo noolayd ilaa ay ka gaadhaysay 119 jir.

Ma ahayn markii ugu horeysay ee ay gasho buugaagta rikoodhada. Sanadkii 2021 wuxuu noqtay qofka ugu da’da weyn ee ka ee ka bogsada Covid-19.

Sister André waxay ka dhalatay qoys Protestant-ka ah, laakiin markii dambe waxay qaadatay diinta Katooliga.

Mid ka mid ah wareysigeedii ugu dambeeyay, waxay u sheegtay suxufiyiinta: “Dadku waa inay is caawiyaan oo ay is jeclaadaan intii ay is necbaan lahaayeen, haddii aan intaas oo dhan wadaagno, arrimuhu aad bay u fiicnaan lahaayeen.”

 

Leave a Reply