Qaxoontiga Rohinga ee ku dhimanaya Badda oo dunidu ka qaylisay

0
368

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa diiwaangelisay korodh naxdin leh oo ku yimid tirada dhimashada qaxootiga Rohingya iyaga oo isku dayaya safarro badda oo khatar ah oo ay ku maraan Badda Andaman iyo Bay of Bengal sanadkii 2022.

Ugu yaraan 348 qof ayaa ku dhintay ama la waayay iyaga oo ka cararaya Myanmar ama Bangladesh oo badda ku safraya sannadkii hore, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah sannadihii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2014. Markaas ayay ahayd markii in ka badan 700 oo qof la sheegay inay naftooda ku waayeen ama la waayay iyaga oo raadinaya inay ka badbaadaan cadaadis.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in in ka badan 3,500 oo Rohingya ah ay isku dayeen in ay ka gudbaan badda 2022. Ilaa 700 oo qof ayaa safaro la mid ah sameeyay sanad ka hor.

Afhayeen u hadashay UNHCR Shabia Mantoo ayaa sheegtay in korodhka weyn ee tirada dadka doonaya in ay naftooda biimeeyaan ay ku timi rajo beelka shacabka aan u haysan meel ay uga baxaan dhibaatada haysata.

“Waxaan maqlaynaa warbixinno, sida la soo sheegayo, kuwaas oo ku saabsan dareenkan quusta ah ee sii kordhaya iyo walaaca mustaqbalka ee Rohingya. Runtiina rajo amni iyo ilaalin ma jirto,” ayey tidhi Mantoo. “Qaar iyaga ka mid ah waxay diyaar u yihiin inay dib ula midoobaan xubnaha qoyskooda, kuwa kale, waxa baylahdooda ka faa’iideysanaya tahriibiyeyaal iyo mukhalasiin iyaga oo ku soo jiidaya ballanqaadyo iyo rajo been ah labadaba.”

Mantoo waxay sheegtay in badi 39 doomood oo galay safarka halista ah ee badda sannadkii hore ay ka soo ambabaxeen Myanmar iyo Bangladesh, taas oo muujinaysa dareenka quusta ah ee Rohingya ee labadaas waddan.

Labadii bilood ee u dambeeyay ee 2022, ayay sheegtay in afar doonyood oo ay saarnaayeen in ka badan 450 Rohingya ay ka dageen magaalada Aceh ee dalka Indonesia, halka doon kale oo siday 100 qof ay ka dagtay Sri Lanka. Waxay sheegtay in hal doon oo ay la socdeen 180 qof oo Muslimiinta Rohingya laga cabsi qabo inay degtay horraantii Disembar.

Baaqyo ay UNHCR u dirtay maamulka badaha ee gobolka si ay u badbaadiyaan oo ay u soo dejiyaan dadka dhibaataysan waa la iska dhega tiray ama dheg jalaq looma siin iyada oo doonyo badan ay muddo toddobaadyo ah dul heehaabayeen. UNHCR waxay ku celinaysa in la dejo dadkaa Rohingya, dalalka ay ku soo degaana ay taageeraan,” ayey tidhi Mantoo.

Bishii Ogosto 2017, in ka badan 750,000 oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa Myanmar loogu geystay dil iyo cadaadis waxaanay u qaxeen Cox’s Bazaar oo Bangladesh ah. Waxay ku nool yihiin xeryo cidhiidhi ah oo ay la socdaan boqolaal kun oo kale oo qaxooti ah oo hore uga soo cararay Myanmar.

UNHCR waxa ay sheegtay in xaaladda Myanmar aanay waxba ka soo rayn, isla markaana aanay ammaan ahayn in ay ku laabtaan waddan ay u arkaan soo galooti sharci-darro ah oo loo diido dhalasho.

 

 

Leave a Reply