Qabo Shaqo Si Aaad Ogaato Awoodaada!

0
490

George Bernard Shaw wuxu ahaa qoraa Irland u dhashay oo xikmado badan qoray. Wuxu dhashay July 26, 1856, wuxuuna dhintay 1950 Novemeber. Waxa uu ahaa ragii sameeyay jaa’isadda edebka iyo Nobelka diimaha sanadkii 1925.

Sifaadka lagu shegay waxa ugu weynd inuu ahaa nin bakhayl ah oo haddana lacag jecel. Dadka wuxu u qori jiray xikmadaha marka ay siiyaan qada lacag ah.

Maalin ayuu nin u yimi waxa uu sitay hal gini oo keliya, wuxu siiyay Bernard sii uu ugu qoro xikmad. Bernard ayaa u qoray xikmaddan “ Waad Mahadsantay”.  Ninkii ayaa aad u  cadhooday oo ku yidhi “ Adigu waxaad tahay qof doonaya lacag, aniguna waxaan rabaa sharaf iyo qiimayn waa inaad ii qorto wax i raaligeliya “.

George Bernad ayaa si degan ugu jawaabay waxaana uu ku yidhi “ Aniga iyo adiguba waxaan raadinayna waxa inaga maqan”. Mahadsanid waxay ahayd wax kaa maqan oo sharaf kuu kordhinaysa, waan intaasi qiimaha ginigan aad ii dhiibtay!.

Waxaana xikmadaha uu qoray ka mid ah :” Adeegso oo isku eeg muraayada waxaad arki wejigaaga, qabo shaqo xirfadeed waxaad ogaan awoodda naftaada”

 

 

 

Leave a Reply