Shaqaala Dhamaystay Tababarka Baadhista Amniga Madaarada

0
207

Hargeysa (Dawan) Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa shalay Shahaadooyin guddoonsiiyay 38 Shaqaale ah, kuwaasi oo ka tirsan qaybta amniga Hay’adda duulista iyo Madaarada oo dhamaystay tababar ku sahabsan habka baadhista amniga ee Madaarada.

Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa waxa uu sheegay in tababarkani muhiim u yahay shaqada habka baadhista Madaarada,waxaana uu intaasi ku daray

Siyaasada hay,ada tahay in la joogteeyo tababarada noocana.Waxaana uu yidhi”Waxa halkan shahaadooyin ku guddoonsiin doonaa shaqaalaha qaybta amniga oo qaatay tababar ku sahabsan habka baadhista ee heerka koowaad,tababarkaas oo muhiim u ahaa shaqada ee habka baadhista Madaarada amniga wuu isbadbadalaa waxyaabo khatara ayaa ku soo biiraya.markaa in shaqaaluhu tababar joogta helaan waxa ay ka mid tahay Siyaasada Hay,adda duulista iyo Madaarada gaar ahaan qaybta amniga oo ah qaybta ugu muhiimsan in tababarkeeda la joogteeyo, waxaana aanu u mahadcelinaynaa hay,ada WFP oo gacan weyn naga siiyay tababarkan oo muddo aanu soo wadashaqaynaynay mana noqon doono tababarkii ugu dambeeyay,”.

 

 

Leave a Reply