Qaranka Somaliland Wuxuu ku Faanaa Isu Tanaasul” Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar

0
252

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Sheekh Furre oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Laascaanood.

Cabdikariim Sheekh Cumar Sheekh Furre ayaa waxa uu sheegay in Beesha Gobalka Sool ay ku suntantay Somaliland,waxaana uu intaasi ku daray in ayaan darro tahay in fidmo laga abuuro Magaalada Laascaanood.

Cabdikariim Furre oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa aan ka hadlayaa xaalada Magaalada Laascaanood Wadankeenu wuxuu ahaa wadan ku naalooda nabedgalyada oo Umaddaha kale in nagu majeertaan,qofka leh dagaal ayaan ku baaqaya waa gaf waxa aan ka digayaa arimaha qaar in aan lagu degdegin.arinta Laascaanood qaarbaa aragti ahaan soo dhigaya oo leh idikuba nidaam ayaad burburiseen iyaga oo magac reer sheegaya waa khalad arin kaasi,”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa.Waxa uu yidhi”Reerka Dhulbahate ee fidmada laga dhex abuuray waa reer ku suntan Somaliland, qaabka loo dhigayo arinta Laascaanood ka socota waa khalad,Somaliland Umaddo dhan ayaa dagan meeshan Isaaq kaliya ma, dago,meeshii nabada ahayd hadii fidmo lala doono waa ayaan darro.dadka fidmada abaabulaya ee dhaqanka lagu sheegayo waa ayaan darro,waxaana aan ugu baaqayaa Xukuumadda in dadka loola dhaqmo si munaasiba waxaana uu ku faanaa qaranka Somaliland isku tanaasul iyo kala damban,”.

 

 

Leave a Reply