Dr. Xergeeye oo ka hadlay ahmiyada ay leedahay in la Daadejiyo Adeegyada Caafimaadka

0
218

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka hadlay   ahmiyadda ay leedahay in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah ee Caafimaadka si ay b bulshada si fudud ugu gaadhi karto.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in ay ka wasaarad caafimaad ahaan ay diyaar u yihiin in adeeg bixinta caafimaadka la daadejiyo si qaybaha kala duwan ee bulshada loogu dhaweeyo helitaanka adeegyo caafimaad oo hufan.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee horumarinta caafimaadku waxa uu ku wargeliyay maamulka dawladda hoose ee degmada Burco in ay la wareegaan adeegyada caafimaadka ee bulshada, waxaanu intaas raaciyay in magaalada Burco ay tahay magaalada ugu xarumaha badan xagga hooyada iyo dhallaanka marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka.

 

Dr. Xergeeye waxa uu sidoo kale soo kormeeray xarumaha adeeg bixinta caafimaadka ee magaalada Burco, isaga oo warbixino la xidhiidha adeeg bixinta caafimaadka ka dhageystay hawl wadeenadii caafimaad ee xarumihii uu kormeerka ku soo maray ku sugnaa, waxa kale oo uu soo indha indheeyay mashaariicda xagga caafimaadka ee ay wasaaradda caafimaadku ka waddo gudaha magaalada.

 

Waxaanu yidhi.“Degmada Burco waxa ay ka mid tahay degmooyinka qayb ahaan la wareegay adeeg bixinta caafimaadka, waxaanuse ku dhiirigelinayna in ay u diyaar garoobaan oo ay dardargeliyaan sidii ay ula wareegilahaayeen adeegyada aasaasiga ah.

Burco waxa aanu sannadkan uga fadhina in ay la wareegaan xannaanooyin dhammeystiran oo ay iyagu maamulaan, sida degmooyinka kale ee aanu soo marnayba, magaalada Burco waxa ay noqonaysa magaalada ugu badan xagga xarumaha hooyada iyo dhallaanka, inay diyaariyaan anaguna ka wasaarad ahaanu ku taageeraynaa.

Duqa degmada Burco waxa aan ka codsanaya in uu si dhaw ula shaqeeyo isaga iyo hawl wadeenadiisa, iskana war haysaan si adeega la bixinayaa uu u noqdo adeeg dhadhan leh, waanan ku boggaadinaya maamulka dawladda hoose ee degmada Burco sida ay diyaarka ugu yihiin la wareegista adeega caafimaadka ee aasaasiga ah.”

 

Leave a Reply