In kabadan 60 arday oo ka qalinjibisay jaamacada Gaboose ee magaalada Hargeysa

0
220

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona in ka badan lixdan arday oo bartay kuuliyadaha kala duwan ee caafimaadka oo ka qalin qortay    Jaamacada Dr. Goboose, oo munaasibad loogu qabtay magaalada Hargeysa.

Ardaydan qalinjabisay ayaa isugu jiray wiilal iyo gabdho isla markaana bartay culuunta kala duwan ee caafimaadka, waxa sidoo kale ardaydan qayb ka ahaa kuwa dhammeystay heerka labaad ee Jaamacada.

Guddoomiyaha Jaamacada Gaboose Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in ay qalabyada caafimaadka kuwii ugu danbeeyay ee wax lagu barto ay wax ku bartaan ardayda Jaamacadiisa wax ka barta iyo kuwa qalinjabiyay intuba.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay ardayda ka qalinjabisay jaamacadiisa ayaa yidhi.“Macalimiin khuburo ah ayaa wax ka dhiga Jaamacada, markastana waxa aanu ka fikirna sidii looga faa’idaysanlahaa, macalimiinta, qalabka casriga ah ee wax lagu baranayo, iyo cisbitaalkaba.

Markii aniga iyo macalimiinta ardayda wax u dhiga wada tashanay waxa ay ii balanqaadeen shaykasta oo la dhigayo in ay dibedda ka keeni doonaan, markastana waxa aanu diyaar u nahay in dadka aanu wax ku celino oo dhakhaatiir khibrad iyo aqoon leh aanu soo saarno”

 

 

 

Leave a Reply