Go’aamada Degdeg Ah Iyo Xaaladaha!

0
303

Dayuurad ay leedahay Shirkadda EasyJet duulimaadka flight EZY9958 oo ay ka duulaysay Madaarka malgo ee spain iyadoo ku sii jeda Ingiriiska ayuu duuliyuhu ogaaday in labada mishiin ee dayuuradda uu midkood xun yahay, sidaas darteed wuxu rakaabkii usoo bandhigay inay kala doortaan inuu dayuuradda ku duuliyo halka mishiinka iyo inay sugaan inta laga shaqaynayo cillada mishiinka. Waxa uu intaasi raaciyay haddii uu sidaasi ku duuliyo inay badbaadi karaan oo ay nabad ku fadhiisan karaan ay tahay qiyaas dhan 50% .

Waxa kale oo uu cadeeyay haddii duulimaadku baaqdo in 40 saacadood ay qaadan doonto.  Markii duuliyuhu  uu siiyay rakaabka warbixintaasi cabsida leh dadka badankiisa ayaa dayuurada si dhakhso ah oo degdeg ah albaabka u boobay kana wada degay iyagoo ka cabsi qabay in duuliyuhu go’aan kale iska gaadho oo uu duuliyo dayuuradda isagoo  halistaasi og ka dibna ay halaagamaan.

 

 

 

Leave a Reply