Wasiirka Warfaafinta JSL oo Laascaanood Kulan Kula Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshadda

0
308

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Wasiirka warfaafinta JSL Saleebaan Cali Koore, ayaa magaaladda Laascaanood kulan la qaatay qaar ka mid ah cuqaasha, waxgaradka, odayaasha, dhalinyaradda, hal-doorka iyo aqoon yahanka gobolka Sool.

Wasiirka waxaa kulankaasi ku wehelinayay xubno ka mid ah xildhibaanadda goleyaasha Guurtidda, iyo Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Sool, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga hadlay sidii looga shaqayn lahaa adkaynta, amaanka iyo xasiloonidda guud ahaanba gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood. Meel na looga soo wada jeedsan lahaa horumarka iyo deganaanshiyaha magaaladda.

Geesta kale na wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxaa uu isla shalay socod lug ah ku soo maray wadooyinka gudaha magaaladda Laascaanood.

Waxaanu soo maray qaar ka mid ah meelaha ay bulshadu ku kulanto, sida Makhaayadaha Shaaha, halkaasoo uu wakhti kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadii ku sugnaa.

Wasiir Koore, oo la sheekaystay bulshadii uu la kulmay ayaa ku adkeeyay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta amaanka iyo deganaanshiyaha gobolka Sool, isla markaana laga wada shaqeeyo guud ahaanba gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta JSL ayaa ka mid ah weftiga ka socda xukuumadda Somaliland ee hawlaha shaqo u jooga sidii xukuumadda iyo bulshadu ay uga wada shaqayn lahaayeen xasiloonida iyo ilaalinta amaanka gobolka Sool, isla markaana cid kastoo waxyeelaysa deganaanshiyaha iyo horumarka magaaladda na meel looga soo wada jeedsan lahaa.

 

Leave a Reply