Somaliland Qabiil Maaha ee Waa Dawlad la Wada Leeyahay.…” Guddoomiyaha Gobalka Xaysimo.

0
457

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Gobalka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay in la adkeeyo nabadgelyada iyo ammaanka Gobalka Sool, gaar ahaan xasillooniyada magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha Gobalka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxa uu ugu baaqay Dadweynaha Deeegaanka Taleex in nabadgeluada iyo xasiloonida ay ilaashadaan, waxaana uu intaasi ku daray in Somaliland ay tahay  dal iyo qaran la  wada leeyahay.

Guddoomiyaha Gobalka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan kula  dardaarmayaa Dadweynaha reer  Taleex waxa aynu u baahannahay nabad iyo horumar wax kastana wax ka mudan in aynu nabadda ilaashano, waxa aan qirayaa in deegaankan wax laga qabtay oo horumar laga  sameeyay iyada oo Xukuumadda Somaliland waxa ay doonaysaa  in nabada iyo horumarka Gobalka Sool la adkeeyo, cid aan ahayn Somaliland oo deegaan Dhulbahate wax ka qabatay ma jirto, waxa aan ugu baaqayaa Siyaasiyiinta Dhulbahate iyo Garaadada Dhulbahate xaq maaha in nabada iyo horumarka la burburiyo, wixii cabasho ah in la saxo waanu la  qabnaa. Somaliland-na qabiil maaha ee waa  dawlad la wada leeyahay”.

Sidoo kale Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in meeshii ugu wanaagsanayd uu marayo  shir laba beelood oo walaalo ah uga socday degmada Taleex ay mag ku kala qaateen shirkaasi, waxaana uu yidhi “Waxa maanta (shalay) ka qabsoomay degmada  Taleex shirkii labaad ee labada beelood ee walaalaha ah ee Faarax Cali iyo Samakaab  Cali, waxaana aan boogaadinayaa Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo caaqilada nabada waday oo muddo badan u fadhiyay  oo u dhabar adaygay. waxaana arrintu maraysaa meeshii ugu wanaagsanayd  waxaana lala kala wareegay magtii shan Nin iyo shan Nin ayaa la kala qaatay, waxaana aan ku boogaadinayaa sida ay u bixiyeen magtaa lagu lahaa. waxaana labada beelood  diyaar u yihiin  in magaha dhimanna   in laga wada xaajoodo. waxa kale oo aan boogaadinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay nabaddaas”.

 

 

 

Leave a Reply