“Gobol Cayn la yidhaahdo oo Somaliland ka Tirsani ma Jiro” Cuqaasha Degmadda Qori-lugud

0
291

Qori-lugud- (Dawan)- Cuqaasha , Waxgaradka iyo Hal-doorak Degmada Qori-lugud ayaa bulshada u sheegay inaanu jirin gobol Cayn la yidhaahdo oo Somaliland ka tirsan. Degmada aanu ka tirsan nahay tahay gobolka Togdheer

Shir jaraa’id oo Cuqaashu shalay ku qabteen Degmada ayaa baaq nabadeed u soo jeediyey Garaadada iyo bulshada degmada Buuhoodle, kuna baaqeen in la joojiyo dhibaatooyinka lagu kicinayo bulshada Buuhoodle.

Qaar ka mid ah Cuqaasha Galbeedka Degmada Buuhoodle ee shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay baaq nabadgelyo dirayaan, isla markaana Garaadada iyo cuqaasha Degmada Buuhoodle ugu baaqayaan inay nabadgelyo wax ku doonaan, waxaanu yidhi,

“Waxaan maqalaa Gobolada Sool, Sanaag & Cayn, waxaanu bulshada u sheegaynaa in gobol Cayn la yidhaahdo oo Somaliland ka tirsan inaanu jirin. Degmada aanu ka tirsan nahay waa gobolka Togdheer.

Waxay sheegeen in Degmada Buuhoodle oo dad badan wada degaan ay ka mid yihiin bulshada Galbeedka degan.

Cuqaasha oo hadalkooda sii wata ayaa sheegay in gobolka Sool oo afar degmo ka tirsan, Taleex, Caynaba, Xudun iyo Laascaanood, yahay gobol la wada degan yahay, isla markaana ahayn mid cid gaar ah leedahay.

“Dhulku nabada ayuu innagu le’eg yahay, Buuhoodle iyo Sool nabad ayaa lagu wada joogi karaa, waa la wada degaa, kala maarmi mayno, yaan Ukraine laga dhigin.” Ayuu yidhi caaqil kale oo ka hadal madasha.

Waxay baaq u direen garaadka Buuhoodle inuu nabada ku soo noqdo, maadama ay sheegeen inay qeyb ka ahaayeen bulshadii dooratay “Suurtagal maaha madax dhaqameed inuu dagaal iyo colaad ku baaqo.”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply