Bulshada oo Xukuumada ku Bogaadisay Dhismaha Wadadda Gebilay iyo Hargeysa u Dhexeysa

0
194

Gebilay (Dawan)- Bulshada adeegsata wadadda u dhexeysa Hargeysa & Gebilay ayaa uuga mahadceliyey Xukuumada dhismaha wadaddaa, oo dhibaatooyin badan ay kala kulmi jireen wakhtigii hore.

Dhismaha Wadadda u dhexeysa Hargeysa & Gebilay oo xilligan bulshada iyo gaadiidku adeegsadaan ayaa dhismaheeda iska kaashadeen Xukuumada & Midowga Yurub.

Sida lagu baahiyey muuqaal I Tus oo I Taabsii shalay la baahiyey oo ka hadlayey dhismaha wadadda Hargeysa & Gebilay u dhexeysa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi dhismaheeda dhagax dhigay sannadkii 2019-kii jir cusub oo masaafadiisu gaadhayso 60 KM, waxaanu mar uu ka hadlayey yidhi,

“Bulshadu waxay innaga rabaan adeeg, maxaa la qabtay ayaa imanaysa? Imisa wadooyin ayey Wasaaradu dhistay, maxaa shilalkii wadooyinka yaraaday”.

Jidkan oo burbursanaa 30-kii sannadood ee u dambeeyey ayey dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen bulshada adeegsata, xilliyada roobabakana, sida dhimasho dad iyo hanti-ba

Dhismaha kaabasha wadooyinku waxay kor u qaadaan dhaqaalaha, sida isu-socodka ganacsiga iyo gaadiidka bulshada.

Leave a Reply