Buurnida Iyo Dhaqaalaha Waa Lamaane!

0
319

Jamhuuriyadda Nauru waa dalwad ka kooban jasiiradaha Micronesia oo ku yaalla badweynta degan.  Waxaana hore loogu yiqiinay jasiiradda Pleasant. Dawladdan ayaa la sheegay inay tahay dawladda dunida ugu yar, iyadoo ballaca dhulkeedu uu dhan yahay 21 kun Mayl2 .

Waxa kale Nauru ay tahay dawladda ugu yar dunida ee haddan xor ah, mana laha dalkani magaalo madax ama caasimad, waxase uu leeyahay magaalo dhexe oo lagu magcaabo Yarin.

Asal ahaan dadka degani waxay ka soo jeedaan dadka Micronesia iyo Polynesia. Dalka Jarmalka aya qabsaday dabayaqaadii qarnigii 19aad. Mudadii lagu jiray dagaal weynihii dunida waxa ahayd deegaan loo xilsaaray inay maamulaan Austerliya, Newsealand iyo Ingiriisku. Markii dagaalkii labaad socdayn waxa qabsaday dawladii Japan.

Dalka Nauru waxay xoriyadeeda qaadatay sanadkii 1968 bishii Janaury 31.  Waana jasiirad qani ah waxaana aad loog helaa macdanta phosphates oo uu ku xidhan yahay dhaqaalaheedu debeddan loo dhoofiyo. Luqadda Nauru laga hadlaa waa luqadda Nauria iyo tan Ingiriisida. Tirada dadkeeda ayaa gaadha 10800 marka la eego tirokoobkii laga sameeyay 2020.  Dalka Nauru ayaa noqday dalka ay ku nool yihiin dadka dunida ugu buurani iyadoo dadkeeda 95% ay yihiin kuwo cayilsan madaama ay yihiin dad dhaqaalahoodu sareeyo,

Leave a Reply