Jabka Dadka Faalka Iyo SixirkaAamina!

0
271

Hogaamiyihii naasiga Jarmalka Adsolf Hitler ayaa la sheegay inuu  aad u aaminsana faalka , waxaan la cadeeyay in ka hor bilaabidii dagaalkii labaad uu Hitler aaminsana inuu dunidan  ka dhisayo boqortoyoo 1000 sano jiri doonta taasi oo faaliyihiisu uga warameen.  Xataa waxa la sheegay in markii ciidankii Ruushka ay ku soo dhowaanayeen Berlin ee ay dadka u cadaatay inuu jabayo Hitler inuu isagu aamisanaa inuu dagaalkan ku guulaysan doono oo ay mudo yar ka dib iman doonaan waxayaabo mucjiso ah oo aan imika dadka u muuqan.

Hitler sanadkii 1909 wuxu xidhiidh la ahaa nin faaliye sixoorle ah oo markii danbe diinta Kiristaanka qaatay  oo la odhan jiray  Gorge Levisohn , ninkaasi oo ka sameeyay mad-hab u gaar hareeraha webiga danlop. Wuxu ahaa faaliye, xidigiye iyo sixiroole, sidaasi ayuu Hitler u ahaa mid ku soo koray aaminadda khuraafadka.

Bishii October 1, sanadkii 1933 ayu Hitler dhagax dhigay guriga fanka  ee ku yaalla Magaalada Munikh , waxa majarafadii ka jabtay ninkii injinerka ahaa, markii uu qaadayay ciida dhagax dhigga ah. Hitler ayaa aad u naxay oo ku yidhi wasiirkiisa dagaalka u qaabilsanaa oo la socday “ Waxa laga yaaba inay tilmaamayso inay belaayo dhacayso, waa faal xun oo soo socda”.

Waxaana la sheegay in aan Hitler cabsi ka tegin muddo 3 bilood ah oo ka danbeeyay ilaa uu maalintii danbe dhintay Injineerkii guriga fanka dhisayay ee majarafadu ka jabtay. Maalintaasi ayay Hitler oo naxdintii ka joogstay  oo yidhi “ Belaayadii way tagtay, muu ahayn arinku mid aniga igu dhacaya wuxu ahaa mid ku dhacayay Injineerka “ (oddity of history mysterious events)

Leave a Reply