DP World oo Qorsheynaysa Balaadhinta Wejiga Labaad ee Dekeda Berbera

0
242

Hargeysa (Dawan)- Shirkada DP World ayaa la sheegay inay qorshaynayso bilowga wejiga labaad ee balaadhinta Dekedda Berbera.

Sida lagu faafiyey shalay wargeyska WorldCargoNews, kaas oo lagu sheegay in dhamaystirka wejiga 1-aad ee dib-u-habaynta dekedda, oo dhamaaday 2021, uu keenay korodhka badeecdahaha sannadkii yimaada dekedda, taasoo ku timi balaadhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey.

Si kastaba ha ahaatee, shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta ayaa hadda qorshaynaya inay gaadhsiiso laba milyan oo kontiinar sannadkii inay ka soo degaan dekedda Berbera, taasoo keenaysa in la kordhiyo masaafada dekedda ilaa 1,000m iyo soo iibsashada todobo wiishash STS oo kale..

DP World waxay dekedda Berbera ku maalgelisay dhaqaale gaadhaya US $442M, taasoo heshiis muddo 30 sano ah ku maamuli doonta ku jirta, sidoo kale waxay samaynaysaa aag ganacsi oo xor ah oo dhowr KM u jirta dekedda.

Marka la eego baaxadda dhaqaalaha Somaliland oo kooban iyo tirada dadka ku nool oo lagu qiyaaso in ay dhan yihiin 5.7M, ganacsigeedu intiisa badan waxuu ka soo bixi doonaa gaadiidka xamuulka ah ee u kala goosha dalka Itoobiya oo tobankii sannadood ee u dambeeyey ka mid ahaa dalalka ugu kobaca badan dhaqaalaha caalamka, isla markaana tirada dadkiisu gaadhayaan 114M. Waqtigan xaadirka ah, dekedda Jabuuti u tahay ta ugu weyn ee u adeegta Itoobiya, taasoo ka dhigaysa inay Berbera tartan toos ah la gasho.

 

 

Leave a Reply