Boorame: Maktabadda Akhriska Dugsiga Sare ee Aadan Isaaq oo lagu Wareejiyay Buugaag

0
182

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay 20 buugaag ku wareejiyay maamulka dugsiga sare ee Aadan Isaaq, ee magaaladda Boorama.

Buugtaasi ayaa ahaa buugga magaciisa la yidhaahdo Dharraaro Xasuustood, oo uu qoray Prof. Maxamed Siciid Gees, oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, isla markaana xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii soo maray Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee maktabadda loo dhisay dugsiga sare ee Aadan Isaaq, ee magaaladda Boorama, kaasoo ay yaalaan noocyo kala duwan oo buugaag ah.

C/raxmaan Saylici, oo markii uu buugaagtaasi ku wareejinayay maamulaha dugsiga sare ee Aadan Isaaq, halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in buugga Dharaarro Xasuustood, ee uu qoray Prof. Maxamed Siciid Gees, ay ku duugan tahay aqoon aad u fara badan.

Taasoo aqoon balaadhan iyo xog buuxda uga siinaysa jiilka da’ayarta ah taariikhdii ay soo martay Somaliland, dib u dhiskii dawladnimadda iyo nabadgeliyadda, iyo dimoqraadiyadda aynu maanta ku naaloonayno.

Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaa ka hadlay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta joognaa dugsiga sare ee Aadan Isaaq, oo ku yaalla badhtamaha magaaladda Boorama. Waxaan ku wareejinayaa maamulaha dugsigani buug aad u qiimo badan, oo Somaliland qiimo weyn ku leh, oo ah buugga Dharraaro Xasuustod, ee uu qoray Prof. Maxamed Siciid Gees, oo ah wasiir qarankan dib u dhiskiisii, iyo dib u heshiisiintiisii, muddo dheer ka soo shaqeeyay, afar wasaarradood oo kala duwan na soo maray. Buuggaasi oo taariikhda, iyo dhaxalka Somaliland xanbaarsan”.

“Waxaanan go’aansaday in aan dugsigan Aadan Isaaq, guddoonsiiyo 20 Buug, oo Dharaarro Xasuustood ah. Si ay ardaydu ugu bartaan waddaniyadda, iyo wadankoodu waxa uu soo maray, iyo taariikhdii uu soo maray, iyo nabadda iyo dimoqraadiyadda aynu maanta ku naaloonayno, sidii uu halkan ku soo gaadhay, in ay ardaydu fahmaan” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici, waxa uu tilmaamay in ummad kastoo adduunka jirtaaba ay qiimo ku leedahay, sidaas darteedna uu go’aansaday inuu maktabadda dugsiga Aadan Isaaq, ku wareejiyo buugaagtaasi.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ummad kastoo jirtaa na waxay qiimo ku leedahay, marka ay taariikhdeedda iyo dhaqankeedda xajisato. Waxaan ku wareejinayaa maamulaha dugsiga sare ee Aadan Isaaq, 20 buuga Dharaaro Xasuustood, oo ka mida buuggaasi dhaxalka sida”.

Geesta kale maamulaha dugsiga Aadan Isaaq, oo isna halkaa ka hadlay ayaa madaxweyne ku-xigeenka uga mahad celiyay nuquladaasi ka midka ah buuga Dharaaro Xasuustood, ee uu madaxweyne ku-xigeenku ku soo wareejiyay. Waxaanu sheegay inay baahi weyn u qabeen buugaagtaasi.

 

 

 

 

 

Leave a Reply