Wasiirka Maaliyadda oo Kulan Isla-xisaabtan ah la Qaatay Waaxyaha Wasaaradaasi

0
311

”Qiimayntu Waxay Ka Mid Tahay Hab-raaca Maamul Oo Ka Bilaabma Qorshe, qabasho iyo qiimayn” Dr Sacad Cali Shire

 Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Ambassador Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} ayaa shalay furay kulan-hawleed maalin ah, oo ay madaxda Waaxaha Wasaaraddu ku soo bandhigeen waxqabadkoodii sanadkii dhamaaday ee 2022-ka.

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaa Agaasime-Waaxeedyadda Wasaaradda mid mid uga dhagaystay war-bixinta waxaqabadkii Wasaaradda oo Waaxaysan, isla markaana si qoto-dheer uga warbixinaya waxyaabaha uga qabsoomay qorshayaashii u dajisnaa kal-hore {2022}.

Agaasime-waaxeedyada ayaa la sheegay inay u soo bandhigeen Madaxda-sare ee Wasaaradda warbixino todobadle, bile, Saddex biloodle iyo si sanadle ahba, iyagoo raacaya qorshaha maamul-wanaaga qaran, taasoo si joogta ah masuul kasta loogula xisaabtamayo bartilmaameedyadii loo asteeyey.

War-bixinaha waxqabadka Waaxaha ee sannadkii hore, ayaa laga dheehanayay in horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda meelmarinta barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hababka casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta iyo xoojinta xidhiidhka Cashuur-bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha, iyadoo lagu jiro xili adag oo dunida iyo mandaqadaba xaalado adag oo sicir-barar ahi ka jiraan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu Wax badan ka oggaan doonaa qorshihii sanadkii horre’.

Wasiir xigeenka Maaliyadda Amb. Rooda Jaamac Cilmi oo kulanka ka hadashay ayaa sheegay inay saamayn ku yeeshaan isbedeladda caalamka iyo dalka ka dhaca Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana wax wanaagsan ka rajeyn doonto sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo hadal ka jeediyey madashii isla xisaabtanka ayaa ku amaanay masuuliyiinta Waaxaha sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, waxaanu yidhi, ”Qiimayntu Waxay ka Mid Tahay Hab-raaca Maamul oo ka bilaabma Qorshe, qabasho iyo qiimayn”

Wasaaradda Horumarinta Maaliyada ayaa la sheegay inay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshe Istiraatijayadda Shanta Sano ah, oo xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay, waxaana dhamaadka sanad kasta lagu sameeyaa qiimayn guud waxa ka fulay.

 

Leave a Reply