Mucaaridka Waxaad Moodaa in ay sii Hurinayaan Xaalada Laascaanood” Xoghayaha Guud ee KULMIYE

0
348

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa xisbiyada mucaaridka ah ee dalka (Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID) ku eedeeyay in ay sii hurinayaal oo ay siyaasadaynayaan xaaladda ka jirta Magaalada Laascaanood oo maalmihii ugu dambeeyay kacsanayd.

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu sida ka sheegay kormeer shalay masuuliyiinta sar sare ee xisbigu ku soo maray xafiisyada xisbigu ku leeyahay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo goobo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalku.

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu Illaahay uga baryay bulshada magaalada Laascaanood iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Sool nabadgelyo iyo xasilooni, waxaanu sheegay in magaalada Laascaanood uu ka hirgalay horumar la taaban karo muddadii ay xukuumadda Somaliland ka talinaysay.

Xoghaya guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan Illaahay uga baryayaa nabadgelyo iyo xasilooni bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaynu la soconaa in magaaladeeni Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay mudooyinkii u dambeeyay ka jirtay xasilooni darro, dhammaan bulshada rer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadgelyo.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uu ka hanaqaaday horumar la taaban karo, muddadii ay ka talinaysay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Muddadii ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka talinaysay horumar ballaadhan ayay gaadheen bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadweynaha gobolka Sool. Waxaan leeyahay horumarkaa ballaadhan ee aad gaadheen hoos u eega oo arka oo Alxamdulillaah dhaha oo gacmaha shisheeye iyo dabinada cadawgu yaanay noqonin kuwo aad si fudud ugu dhacdaan.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa kale oo uu sheegay in xisbiyada mucaaridka Somaliland ay u muuqdaan kuwo sii hurinaya xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaan arkayay oo aad moodo qaabka ay u dhaqmayaan in ay hurinayaan xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood, marka ay dhibaato dhacdo mucaarid iyo muxaafidba waynu wada leenahay, waana in aynu dhinac uga soo wada jeedsano oo aynu qarannimada wada difaacno, laakiin haddii aynu ku wiirsano oo aynu ku faraxno waxa Laascaanood ka dhacaya oo aynu xukuumadda dhaliil uga dhigno markaa waxay noqonaysaa in cadawgaa dibada aynaan waxba kaga duwanayn.”

 

 

Leave a Reply