Nuxurka Kulan Dhexmaray Dr. Xergeeye iyo Jaamacadaha bixiya Culluunta Caafimaadka iyo Qaar ka mid ah maamulayaasha Cisbtaalada Dalka

0
260

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye,  oo kulan la qaatay jaamacadaha dalka ee soo saara dhakhaatiirta iyo qaar ka mida maamulayaasha cisbitaalada waa weyn ee dalka.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa guddoomiyayaasha jaamacadaha dalka iyo masuuliyiinta cisbitaalada kula dardaarmay adkaynta geedi socodka waxbarasho ee dhakhaatiirta dalka u soo baxaysa xilliga ay ku jiraan jaamacadaha.

Agaasimaha iyo masuuliyiinta jaamacadaha iyo kuwa cisbitaalada ayaa isla waafaqay in bilkasta la sameeyo qiimayn la xidhiidha tayada waxbarasho ee dhakhaatiirta ka soo baxaya jaamacadaha dalka, ee la rabo in mustaqbalka ay noqdaan adeeg bixiyayaasha caafimaad ee waddanka, sidoo kale in la meel mariyo tayeynta iyo taabagelnta carbinta dhakhaatiirta xilliga ay joogaan cisbitaalada ee dabayaaqada geedi socodkooda waxbarasho.

Leave a Reply