Xannuunka HIV/AIDS halla iska Baadho ka hor intaan la Is’guursan”Hooyo Caasha Doodhan Cilmi

0
258

Qormadeena Caafimaadke ee Todobaadkan waxaynu ku soo qaadan doonna fariin ay qaybaha kala duwan ee bulshada u dirtay hooyo Caasha Dhoodaan Cilmi, waxaaney ka codsatay in xannuunka HIV/AIDS la iska baadho ka hor intaan la isguursan ee aan nolosha lagu midoobin.

Hooyo Caasha waxa ay sheegtay in ka hortagu uu ka wanaagsan yahay daaweynta, isla markaana ay habboon tahay in ka qoysaska isguursanaya in guurkooda ka hor ay isbaadhaan.

Caasha Dhoodaan Cilmi waa hooyo 48 sano jir ah, danyar oo ku nool magaalada Hargeysa, oo si iskeed ah isugu xilqaantay ururinta iyo daryeelka dadka hoy la’aanta ah ee la nool xannuunka HIV/AIDS-ka, ku dhawaad haween gaadhay 5 ayay ka kaalmaysa sidii ay u helilahaayeen daryeen iyo daaweyn, muddo dhan afar sano.

Hay’addaha u qaabilsan wacyigelinta taakulaynta iyo la tacaalida xaaladaha dadka la nool xannuunkan ayay sheegtay in si gaar ah, ay ugu xidhay haweenkan kuwaas oo aanay ka helin wax taageero dhaqaale ah, balse ay si joogto ah uga caawiyaan helida daawooyinka caafimaad.

Waxaaney tidhi.“Marka awoodu way nagu liidata, noloshooda, daawadoodu waala siiyaa, daawadu caanay u baahan tahay, oo nafaqo ayay u baahan tahay”

Haweenaydan ayaa ka mida bulsahda Somaliland, dhaqaalaha soo gala ayay xustay in aanu ahayn mid ku filan in haweenkan iyo qoyskeedaba, si siman u helaan cunto iyo biyo ku filan, waxaaney codsatay in laga kaalmeeyo sidii ay haweenkani ku helilahaayeen nolol dhammeystiran oo aan takoor lahayn.

Waxaaney tidhi.“Xannuunkan dadka qaba takoor badan ayay la kulmaan, colaad ayay galiyaan dadku, ILLAAHEY lagama soo iibsado xannuunka ee dadku ha isbaadhaan, in qofkii la takooro cudurka iyo caafimaadka ALLE ayaa bixiya, in qofkii dadkii laga dhexsaarana ma qurux badna,”

Aamina Cabdillaahi, waa hooyada qoys ka kooban 11 carruur ah muddo dhan 17 sano ayay xustay in ay la nooshahay xannuunkan, wakhtigaas oo ay ka qaaday saygeeda oo soomaray guurar kala duwan, sida ay sheegtay.

Inta badan bulshada ayaan la siin tabbabaro wax ka baddeli kara wacyiga wada noolaanshaha iyo ka fogaanshaha takoorka ayaa sababtay in Aamina iyo qoyskeeda ay noqdaan hoy la’aan ku salaysan takoor, waxaaney ka codsatay bulshada in laga caawiyo bulshada sidii ay ku helilahayd hooy u gaar ah.

Aamina ayaa warbaahinta Bilan Media u sheegtay ay dadweynuhu ka caawiyaan nolol maalmeedkeeda marka ay u bandhigto xaaladeeda nololeed, balse aanay haysan wax kaalmo ah oo kale, xilli carruurteedu ay gaadheen da’da waxbarashada.

Waxaaney tidhi.“Halkan waxa i keenay iyada oo guri walba la iga saaray, oo guriga aan laba bilood ku jiro la odhanayo waanu rinjiyaynayna, wiilba ku aroosanaya iyo waxyaabo kale, balse waxa igu daran meel la igu maydho maalintan dhinto, dhawr jeer ayaan bulshada guda iyo dibedba ka codsaday in baloodhyar la ii iibiyo balse ilaa hadda wax ii iibiya ma hayo,”

Waxa aanu warbixintan ka soo xiganey warbaahinta Bilan Media oo shaqaysa arrimaha haweenka.

Leave a Reply