Wanaagga Aad Samayso Waa Natiijo Wanaagsan!

0
309

Sanadkii 1981 ayuu wiil yar oo qoys sabool ah ka soo jeeda oo u dhasahy dalka Taiwan ka xaday Farmasi dawo si uu hooyadii oo xanuunsanaysay ugu geeyo markii uu lacag uu ugu iibiyo waayay. Nasiib daro ninkii farmasiga lahaa ayaa ogaaday oo suuqa dhexdiisa ku qabtay dadkiina ku dhex fadeexadeeyay, laakiin nin suuq badeecooyinka ku iibiya oo u dhowaa ayaa wiilka ka bixiyay lacagtii dawada markii uu ogaaday xaalkiisa. Wiilkii sidaasi ayuu maalintaasi ku qaatay dawadii.

Laakiin 30 sano ka dib ayaa ninkii ganacsadaha suuqa ahaa ee wiilka lacagt ka bixiyay la keenay dhakhtarka isagoo aad u xanuunsanya, wax lacag ahna aan haysan.

Kharashkii daawooyinkii oo dhan iyo daryeelkiisa kaleba waxa bixiyay dhakhatarkii  dawaynayay waayo wuxu ahaa wiilkii 30 sano ka hor uu ka bixiyay dawadii hooyadii uu u geynayay. Sidaasii ayay ariimaha aduunyadu isugu noqdnoqdaan mar kastana isku day inaad samayso samafal iyo wanaag, dadkana aanad dhibin.

Leave a Reply