Guddoomiyaha Degmada Gunburaha oo kulan la Qàtay waalidiinta iyo ardayda dugsiga Gumburaha

0
250

Gunburaha (Dawan) Guddoomiyaha Degmadda Gumburaha ee Gobolka Hawd ayaa ka war-bixiyey kulan uu la qaatay waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga Hoose/Dhexe ee degmada gumburaha iyo olole nadaafadeed oo ay ka fuliyeen degmadaasi.

Siciid Jibriil Cabdi Guddoomiyaha Degmadda Gumburaha oo khadka tilifoonka ugu waramayey warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in uu kulan balaadhan la qaatay waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga hoose/dhexe ee degmada Gumburaha, kulankaas oo daarna sidii loo dar-dar galin lahaa waxbarashada dugsigaasi, waxa uu xusay in kulankaasi ku soo idlaaday is afgarad lagu gaadhay in xooga laysugu geeyo wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho dugsigaasi iyo sidii carruurta gaadhay da’da waxbarashada loo keeni lahaa dugsiga.

Geesta kale Guddoomiyaha Degmadda Gumburaha Siciid Jibriil Cabdi waxa uu ka hadlay olole nadaafadeed oo ay ka fuliyeen degmada gumburaha kaas oo ay si weyn uga qayb-qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi, waxa uu sheegay in ujeedka ololahan nadaafadeed uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda degmadaasi isla-markaana ay bulshada ugu wacyi-galin lahaa muhiimada nadaafada , waxa uu u mahadceliyey dhamaan dadkii ka qayb-qaadatay ololahaasi oo ay ka mid ahaayeen ardayda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe iyo madarasadaha qur’aanka ee degmadaasi, ururka horumarinta dhalinyarada ee Aayo-tiin, ururada haweenka Cosob iyo saami kuwaas oo muujiyey sida ay uga heelan yihiin nadaafada deegaankooda.

Ugu dambayn guddoomiyaha degmadda gumburaha ayaa balan-qaaday in ay ka maamul ahaan joogtayn doonaan ololaha nadaafadeed ee ay ka fulinayaan degmadaasi isagoo bulshada deegaankaasna ugu baaqay in ay u diyaar-garoobayaan sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen horumarka degmadooda ka socda.

 

Leave a Reply