“Hogaanka Baanka Dhexe ee Somaliland Waxay Mudan Yihiin Abaalmarin Xilgudasho iyo Dhiirigalin”

0
242

Mudane Madaxwayne Muuse Biixi waxan usoo jeedinayaa masuulkasta oo Xilka aad u igmato si daacad ah uga midho dhaliyaa wuxu mudan yahay Dhiirigalin iyo Abaalmarin

Sidaasi awgeed waxan MADAXWAYNE kuu soo jeedinayaa HOGAANKA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND WAXAY MUDAN YIHIIN ABAALMARIN XILGUDASHO IYO DHIIRIGALIN.

Sababtuna waxa weeye mudadii koobnayd ee ay Xilka hayeen Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Gudoomiye ku xigeenka Baanka iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Somaliland waxay mudan yihiin Abaalmarin Xilgudasho iyo Dhiirigalin inay Xukuumadu ku Abaalmariso.

Sidaasi awgeed waxan ku sababaynayaa Abaalmarintaasi seddexdan QODOB.

1.HOGAANKA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND waxay ku dadaaleen inay yeeshaan wadashaqayn iyo isku Duubni Hogaamineed oo ku salaysan wadatashi

2.waxay Salka u dhigeen Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Lacagta QARANKA SOMALILAND ee Shillinka.

3.waxay Muujiyeen wakhtiga kooban ee ay hayeen Hogaanka Baanka Dhexe Somaliland inay Hirgaliyaan Dayactir Qaybaha iyo Laamaha Baanka Dhexe Somaliland ee Goboladda sidoo kale waxay Bilaabeen Dhismaha Xaruntii Waynayd ee uu Yeesho BAANKA DHEXE EE SOMALILAND oo laga Bilaabay WASAARADA Qorshaynta Somaliland dhinaceeda.

Hadaba Mudane Madaxwayne muwaadinkasta oo xilka aad u Igmatey oo muujiya waxqabad wuxu mudan yahay Dhiirigalin iyo Abaalmarin in lagu Maamuuso Hadii ALLAH YIDHAA.

Intaasi waxan KU darayaa qodob Talo soojeedin ah oo aan wadajir ugu Gudbinayo MADAXWAYNE MUUSE iyo HOGAANKA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND waxanan leeyahay LACAGTA QARANKA SOMALILAND waa ASTAANTA QARANKA SOMALILAND sidaasi awgeed waxa WAAJIB inagu ah si aanay uga BIXIN Suuqa waa in lagu Bixiyo Mushaharooyinka DHAQAALAHA Dowlada WAAYO Shacabku waxay ilaawayaanba Isticmaalka SHILINKA SOMALILAND ee Kaashka ah.

Sidaa iyo WABILAAHI TOWFIIQ

ALLAH MAHAD LEH

BY.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA

Leave a Reply