Xikmado

0
467

Xikmado

  • Wanaagga ninku waa raganimada, Wanaagga gabadhuna waa hooyonimada, Wanaagga caruurtuna waa baarrinimada, Wanaagga habeenkuna waa xasiloonida.
  • Luuqadda ugu xoogga badan dunida wakhtigan waa aamuska.
  • Farriinta ugu saamaynta badani waa oohinta iyo ilmada
  • Jileeca badani waa liidasho, Qosolka badani waa xaqiraad, Raaxaysiga badani waa fadhiidnimo. Taxadarka badani waa shaki, hinaasaha joogtada ahi waa waali.
  • Karaamada ugu weyn ee qof lagu sheegaa waa edebta.
  • Kelmada ugu adag ee lagu dhawaaqaa waa dhamaystirnaanta.
  • Ereyga ugu macaan ee dhego maqlaan waa nabadda.
  • Ereyga ugu dambeeya adduunku waa geeri.
  • Aarsiga ugu fiicani waa cafiska.
  • Dabka ugu kulul ee qof gubaa waa xiisaha.

Leave a Reply