Aqoonta Gaaban Ee Aadamiga!

0
220

Waa arrin suurtagal ah in aynaan dhamaanteen maqal, waxna ka ogayn xaaladda “Chimera”.  Chimera waa xaalad dhab ah oo yaab leh taasi oo ku dhacda dumarka uurka leh qaarkood. Waa xaalad naxdin leh oo wakhti danbe la ogaaday.

Sida ku cad Khuraafadka Giriigii hore erayga Chimera waxa uu ahaa xayawaan ka kooban laba qaybood sida Ri madax libaax leh iyo dabada maska, waxaana ay ahayd sheekooyin khurafaad ah oo laga dhigayo xayawaano jiray.

Chimera asal ahaan waxay ahayd abuur khuraafaad Giriig ah, waxaana lagu magacaabi jiray noole qaab-yaableh leh sida madax libaaxa iyo jidhka riyaha iyo qaab mas ah iwm.

Ereyga “chimera” waxa uu u yimid wakhtiyada danbe inuu sharxo noole kasta oo mala awaal ah oo qaybo laga soo qaatay xayawaano kala duwan, si uu u sharaxo wax kasta oo ka kooban qaybo aad u kala fog, ama loo arko inuu yahay mid male-awaal ah, aan macquul ahayn, oo aan dhici karin.

Si aan kuugu soo bandhigno oo aad  u fahanto xaaladda “Chimera” waxa kugu filan dhacdada gabadha Maraykanka ah ee lagu magacaabo Lydia Fairchild oo uu asiibay Chimera.

Sanadkii 2002 , Gabadha Lydia waxa ay is fureen oo kala tegeen ninkeedii, wakhtigaasina waxa lamaanuhu haysteen laba caruur ah, laakiin Lydia waxa kale oo ay lahayd uur ay ilmo kale ku  siday. Sidaa awgeedna Lydia waxa ay maxkamadda u gudbisay codsi ah inay ninkan ku xukunto inuu biilayo caruurtiisa.

Haddaba sida caadiga ah maxkamadaha Maraykanka waxa looga baahdaa qofku marka hore inuu keeno muunadda DNA-giisa, si loo xaqjiiyo inay iyagu xaqiiq ahaan dhaleen caruurta.  Markii DNA-ga la qaaday labadoodba waxa soo baxday in ninku uu yahay aabaha caruurta laakiin naxdin ayaa timi markii natiijadu ay waafiqi weyday DNA-ga hooyada, inkasta oo ay taasi jirtay haddana dhamaan waraaqaha dhalashada ee caruurta waxa ay cadaynayeen iny iyadu dhashay oo hooyo u tahay. Waxa kale oo taageeray markhaatiyaal badan oo qiraya inay iyadu tahay caruurta hooyadood.

Inkasta oo ay jiraan arimahaasi oo dhami haddaba  DNA-gu ma mid been sheegayaa?.  Dabcan maya… Sidaa darteed Maxakamadu waxay ku eedaysay gabadha Lydia khiyaano iyo wax isdabamarin, iyo inay sidato caruur aanay dhalin, waxaana ay ka qaaday labadeeda caruura iyada oo ku wareejisay xarunta daryeelka bulshada.

Lydia, waxay arintani u ahayd riyo, waxa ay is weydiinaysay sidee ayaanan u noqon karin hooyada carruurtan? Taasi waa wax aan la rumaysan karin?!………………..

 

 

 

Leave a Reply