Sifooyinka Sharfoon Ee Dabeecadda Wanaagsan

0
886

Si loo kasbado xakamayn nafeed, dabeecad wanaagsan iyo sumcad weyn, kaliya waa in si joogto ah loogu celceliyo dabaqidda sifooyinkan sharfoon ee soo socda.

Sifada Koowaad

Ugu horeyn, toosnaantu waa xudunta sifooyinka sharfoon, taasi oo damaanad qaadaysa inta kale ee soo hadhay. Heerkaaga toosnaantu waxa uu jaangooyaa heerka sugnaanshahaaga nolosha, si waafaqsan sifooyinka sharfoon ee aad taageerto; iyo si waafaqsan waxa runta iyo saxa aad u taqaano.

Sifada Labaad

Sifada labaad ee dabeecadda sharfoon ee dadka meelmarka noqday waa masuuliyadda. Marka aad xambaarto masuuliyad dhammaystiran oo naftaada ah, waxa aad aqbashay in aad tahay curiyaha noloshiisa. Waxa aad aqbashay in meesha aad joogto iyo waxa aad tahayba ay yihiin kuwo ka dhashay wixii ay naftaadu hore u samaysay, afkaaraha kuu gaarka ah iyo hab-dhaqanadaada. Waa in aad mar walba naftaada si hoose ugu sheegto, “Waxaan ahay masuul.” Sidoo kale dheh, “Haddii ay sidaas noqoto, aniga ayaa masuul ka ah.”

Ku celcelinta sifadan masuuliyadda marka aad joogteyso, waxa aad joojin doontaa eedaynta aad dadka kale ku eedayso dhibaatooyinkaaga ama wax ay sameeyeen ama ay yidhaahdeen oo amni daro kugu abuuray. Waxa aad joojin doontaa cudurdaarada aad cuskato marka aad fashilanto, si aad hore ugu marto. Waxa aad joojin doontaa cabashada iyo qiil u raadinta qaladyadaada. Waxa si buuxda aad u aqbali doontaa masuuliyadda noloshaada iyo masuuliyadda cidda kugu tiirsan.

Sifada Saddexaad

Sifada saddexaad ee dabeecadda sharfooni waa beerjileeca (dareen xooggan oo naxariiseed iyo murugo oo loo muujiyo cidda dhibaataysan). Sida sifooyinka sharfoon ee akhlaaqeed, beerjileeca waxa lagu muujiyaa ficil. Waxa aad noqotaa mid aad u beerjilicsan, adiga oo isku deyaya in aad fahanto; una naxariisato dadka kale, halkii aad wax ka saari lahayd ama aad dhayalsan lahayd. Waxa aad isku daydaa in aad fahanto iyaga iyo duruufaha ku xeeranba.

Sifada Afraad

Sifada afraad ee dabeecadda sharfooni waa nafqaybsiga. Qof kasta oo aad la kulanto culays ayaa saaran. Marka aad la kulanto cid culays saaran yahay, ee aad la wadaagto afkaaro nafqaybsi iyo naxariis leh ee aad dareensiiso qiimahooda, waxa aad hirgelin doontaa dareen ah in qof kastoo kula kulmaa uu dareemo awood iyo kalgacal.

Natiijada ugu fiican ee noqoshada qof nafqaybsi lihi, waa adiga oo dareema qiimaha wanaagsan ee naftaada. Fursadii kasta ee ku soo martaba muuji beerjileec iyo nafqaybsi, adoon xukun ku soo rogeynin ama aan eedaynaynin dadka kale. Haddii aad sidaas yeesho, waxa aad rafiiq la noqon doontaa dadka laga haybadeysto. Qof ahaan hore ayaad u mari doontaa; dabeecad ahaana waxa aad noqon doontaa shakhsi lagu soo hirto.

Sifada Shanaad

Sifada shanaad ee dabeecadda sharfooni waa saaxiibtinimada. Si aad saaxiib u hesho, adigu waa in aad noqoto qof lala saaxiibi karo. Maalmo yar gudahood waxa aad ku heli kartaa saaxiibbo aad u tiro badan, haddii adigu aad noqoto qof lala saaxiibi karo, taasi oo sanado badan kugu qaadan lahayd haddii aanad ahayn qof lala saaxiibi karo.

Dale Carnegie ayaa kol sii horeysay wax ka qoray habka ugu fiican ee dadka kale xidhiidho saaxiibtinimo loola dhiso; waxana uu yidhi, “Noqo mid si dhab ah iyaga u xiiso galiya.” Habka ugu fudud ee looga soo kabto khajilaad kasta ama amni daro kasta oo ku haysata—waa in aad su’aalo weydiiso qofka kale: “Shaqo noocee ah ayaad ka shaqaysaa?” “Sidee ayaad halkaas ku gaadhay?” “Sidee ayey hawluhu hadda kuugu socdaan?” “Waa sidee dareenkaagu maanta?”

Kolka aad si kalfuran oo daacadnimo leh u weydiiso qofkii kale su’aalahaas noloshiisa ku saabsan, si degan oo dhugasho leh u dhegayso jawaabaha. Dhegayso oo ha ka dhexgalin. Madaxa u rux, dhoolacadee; dareenkaagana ha ka jeedin.

Mar kasta oo ka sheekaynta naftaada aad ka doorbido dhegaysashada kuwa kale, waxa aad dareemi doontaa qiimaha naftaada; kuwa kalena sidoo kale waxa ay dareemi doonaan qiimaha naftaada. Dareenadan togani waxay isu rogaan difaac adag oo nafeed. Mar kasta oo aad samayso ama aad tidhaahdo waxyaabo kuwa kale dareensiinaya wanaagga nafahooda, hab-dhaqanadaasi waxa ay ku tolmaan shakhsiyadaada; waxana ay noqdaan qayb dabeecaddaada kamid ah.

Sifada Lixaad

Sifada lixaad ee dabeecadda sharfooni waa deganaanshaha. Xaqiiqadu waxa ay tahay, keliya dadka isku kalsoon ayaa ah kuwo deggan. Dadka inta badan aan tixgelinin dareenada kuwa kale, waa kuwo daciif ah oo ay daacadnimadu ku yar tahay. Guud ahaan sharfidda nafahoodu aad ayey u hooseysaa. Waxay inta badan dareemaan amni daro iyo qabyo.

Ragga iyo dumarka isku kalsooni waa dadka ugu naxaariista iyo deganaanshaha badan ee aad abid la kulmi doonto. Marka aad tahay qof degan oo u dulqaata, u naxariista; una beerjileeca kuwa kale, duruuftii doontaaba ha jirtee, gudahaaga waxa aad ka noqotaa qof gob ah. Waxa aad kuwa kale ku yeelan doontaa saamayn togan oo aad u badan. Waxa aad noqon doontaa mid aad loogu riyaaqo; loona ixtiraamo. Saamayntaadu aad ayey u weynaan doontaa. Sifooyinkan kula dhaqan xaaskaaga iyo ubadkaaga, saaxiibbadaa iyo shaqaalahaagaba; waxana ku yaab gelin doonta saamaynta aad ku yeelato.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply