“Geedka Dayibku waa boqorka Kaynta Laakiin beryahan danbe dhibaato weyn ayaa soo food saartay…”

0
478

Geedka Dayibka oo ka mid ah dhirta caanka ku ah ee   ka baxa dhulka buurralayda ee Somaliland ayaa waayadan danbe waxaa soo waajahay dhibaatooyin fara badan oo muujinaya inuu geedkaasi sii dabar-go’ayo.

Meelaha uu sida aadka ah uga bixi jiray geedka Dayibka loo yaqaano waxaa ka mid ah mida buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil, taasoo si weyn loogu yaqaanay in laga hello geedka Dayibku.

Geedka Dayibka ayaa loogu yeedhaa Boqorka Kaynta, waxaana waayadan danbe geedkaasi soo waajahay dhibaatooyin waaweyn oo la xidhiidha isbedelka cimiladda, kadib markii ay meesha ka baxday Ceeryaanta oo uu ku tamarin jiray.

Dayibka ayaa caan ku ah dhirta ka baxda dhulka joogiisu sareeyo, ku na tamariya Ceeryaanta ama Dhedadda ka dhacda dhulka joogiisu sareeyo, sida buuralayda Gacan Libaax, Sheekh, Surrad, iyo kuwo kale.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa warbixin ku saabsan dhibaatooyinka soo waajahay geedka Dayibka ee  ka bixi jiray buurta Gacan Libaax, ee gobolka Saaxil. Waxaanan warbixintaasi ku dul is-taagi doonaa faa’iidooyinka kala gedisan ee uu leeyahay geedka Dayibka, meelaha uu ka baxo ee uu caanka ku yahay, dhibaatooyinka soo waajahay, sida wax looga qaban karro dhibaatadda soo gaadhay, iyo arrimo kale.

Warbixintan ayaan ku waraysanay khabiirro aqoon u leh arrimaha deegaanka, masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda ee Somaliland, iyo sidoo kale shaqsiyaad aqoon u leh am aka shaqeeya arrimaha deegaanka oo ku nool Somaliland.

Dayibku waa geedka keliya ee leh ama laga hello Looxa (temper), ee ka baxa geyiga Somaliland waxaanu Dayibku ka baxaa 5000 oo feet, iyo wixii ka sareeya, isagoona geedkaasi laga hello oo uu caan ku yahay meelaha Cagaarran (ever green) ee Calka loo yaqaanno ee aadka u Qoyan ee Dhedadda leh.

Sida uu sharaxayo Ismaaciil Ciise Xayir, oo ah khabiir arrimaha deegaanka ku takhasusay ee reer Somaliland. Waxaanu yidhi, “Geedkan Dayibka la yidhaahdo, oo afka qalaad na loogu yeedho (junipers bracero), ama dhirta Qorriga leh. Waana geedka keliya ee leh ama laga hello Looxa (temper), ka na baxa geyiga Somaliland.

Geedkaasi wuxuu ka baxaa 5000 oo feet wixii ka sareeya. Geedka Dayibka waxaa laga helaa oo uu caan ku yahay meelaha Cagaarran (ever green) ee Calka loo yaqaanno, ee aadka u Qoyan, ee Dhedadda leh.Meelaha uu ka baxo geedka Dayibku, waxaa ka mid ah buuraha Daallo, Surrad, Wagar, Gacan Libaax, waxa kaloo ka mid ah buurta Libaaxley, iyo buurraha hareeraha ka xiga degmadda Sheekh”.

“Waa geedka laga farsameeyo Looxa, waxaana laga sameeyo waxyaabaha guryaha dhexdoodda la dhigto sida Sarriirha, Kabadhada, iyo aaladaha kale ee quruxda guryaha ayaa laga sameeyaa. Dadka reer Baadiyaha ah, waayadii hore waxay ka samaysan jireen guryaha loo yaqaanno is-wadhka.

Waa geed xarrago, waana geed Udug leh. Waxaa imika dalkeena ku soo badanaya, oo dhirtii dabiiciga ahayd, ama dhirtii waddaniga ahayd, ama dhirta kale ee xarunta xanaanaynta dhirta aanu ka beer na ba, iyo beeraha ba, waxaa imika dalka aad iyo aad ugu soo badanaya, bahalka loo yaqaano Fan-gaska. Fan-gaska ayaana dhirtii asiibay, waa kaa Jirridaha ka fuulay, kaasoo u baahan in la la tacaallo” ayuu yidhi Ismaaciil Ciise Xayir, oo ah khabiir arrimaha deegaanka ku takhasusay.

Geedka Dayibku, waxa uu markiisa hore dhalad u yahay jiida wadamadda Carrabta, Afrika, iyo weli ba wadamadda Bariga Afrika, waana geed mar walba Cagaarran, sida uu sheegayo C/rasaaq Bashiir Libaax, agaasimaha haayadda Candle Light. C/rasaaq Bashiir Libaax, agaasimaha haayadda Candle Light waxa kaloo uu sheegay in geedka Dayibka uu faa’iidooyin badan leeyahay, kuwaasoo ay ka mid tahay inuu inoo soo qabto roobka, iyo hawadda.

Waakan C/rasaaq Bashiir Libaax, agaasimaha haayadda Candle Light oo arrimahaa ka hadlayay, “Geedkaasi waxa uu markiisa hore dhalad u yahay jiida Carrabta, iyo Afrika, weli ba wadamadda Bariga Afrika, waana geed mar walba Cagaarran. Geedkani waa dhirta inoo soo qabata Roobka, waa dhirta inoo soo qabata Hawadan aynu ku neefsanayno, ee wax ku soo kordhisa, ee carbon-ka ka saarta.

Waa dhirta ka baxda dhulka buuraha ka hooseeya ee wax laga beerto, ee Ciidda nafaqaysani ay uga timaado ee ay sida weyn ugu tiirsan yihiin. Waayo? Haddii aad eegto, buuraha dhulka ka hooseeya oo dhan wax baa laga beertaa”.

Geedka Dayibka ayaa leh faa’iidooyin kala duwan oo isugu jira mid deegaan, iyo weli ba kuwo dhaqaale, waxaana ka mid ah waxyaabaha laga farsameeyo ee uu caanka ku yahay Looxa guryaha lagu dhisto.

Dayibku meelaha uu sida aadka ah uga baxo waxaa ka mid ah buurta Gacan Libaax, waxaanay dhirtii buurtaasi ay caanka ku ahayd ay waayadii danbe la kulmayeen dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatooyinkaasi oo loo aanaynayo isbedelka cimiladda, cayayaan aafeeyay, iyo Ceeryaantii ay ku tamarin jireen oo meesha ka baxday.

Ibraahim Mardhac, wuxuu ka mid yahay Seere-ilaaliyeyaasha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee  ka hawla galla buurta Gacan-Libaax, waxaanu ka waramayaa dhibaatooyinka geedka Dayibka soo waajahay, “Geedkan Dayibka, waxaa loo yaqaanaa boqorka Kaynta. Haddii la qiyaaso da’diisa wuxuu jiraa qarniyaal badan. Geedka Dayibku, wuxuu ku bixi jiray Ceeryaanta, oo marka ay soo dhacdo, wuu soo qabsan jiray, madaxa sare ilaa gunta ayuu is biyayn jiray. Markaa waxaa dhacday, waayadan danbe maynaan arag Ceeryaan, iyo wax qoyaan ah, oo wixii ba way tegeen. Geedkani ilaa tobankii sanadood ee  u danbeeyay wuu sii socdaa” ayuu yidhi Ibraahim Mardhac.

Geesta kale Axmed Xaaji, agaasimaha waaxda Dhirta, iyo Daaqa ee  wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland,  isna waxa uu ka hadlay geedka Dayibka, iyo qiimaha uu leeyahay, waxaanu yidhi, “Marka Ceeryaanta, iyo Darruuruhu ay fadhiistaan, wuxuu ka heli jiray biyo fara badan. Biyahaasi Baarta sare, ilaa Gunta ayay raacaan, dabadeed na rays fara badan ayay u sameeyaan”.

Dhirtii Dayibka ee ku taallay buurta Gacan-libaax ayaa sanado ka hor waxay ahaayeen kuwo Cagaarran, qurux badan, oo dadka u dalxiiska tagga buurtaasi  ay daawan jireen. Balse waxay hadda isku bedeleen kuwo qalalay, oo aan wax b aka sokaynin Xaabo.

Sida uu sharaxayo Maxamed Yaasiin, agaasimaha waaxda bilicda magaallooyinka ee wasaaradda Deegaanka Somaliland, “Waxaan garan karaa, geedahan aan imika garab taaganahay, ee Dayibku ka midka yahay, iyo dhir kaloo la mid ahaa, wakhtigaasi in aanu Hadhkoodda, iyo Caleemahoodda, iyo quruxdoodda Cagaarran, in aanu sawirro ku geli jirnay. Laakiin, ay maanta yihiin Xaabo. Wuxuu geedku soo dayn jiray Xadhko dhaadheer, oo ay biyo la socdaan, koritaankiisu na wuxuu ahaa, koritaan la yaab leh” ayuu yidhi Maxamed Yaasiin.

Hada ba, si aanu meesha uga bixin geedkan Dayibku, loo na waayin faa’iidooyinkiisa tiradda badan, ee  aynu soo sheegnay, muxuu yahay xalka lagu daba-qabatayn karro? Waxaa arrintaasi sharaxaya Ismaaciil Ciise Xayir, oo ah khabiir arrimaha deegaanka ah. Waxaanu yidhi, “Waa in geedkani loo gurmado. Waa na in la doono daawadiisa Fan-gaska, oo halkeedda lagu qabto, ayaan ku talin lahaa”.

C/rasaaq Bashiir Libaax, agaasimaha haayadda Candle Light ayaa isna ka hadlay sidii loo bad-baadin lahaaa geedka Dayibka, “Waxaan u soo jeedin lahaa, haday tahay xukuumadda Somaliland, haday tahay haayadaha, iyo cid kastoo wax ka qabata deegaanka, in dhirtaasi Dayibka la sameeyo sidii loo bad-baadin lahaa, sidii loo beeri lahaa, sidii loo ilaalin lahaa” ayuu yidhi C/rasaaq Abshir.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka hadashay qorsheyaasha wasaaradda ee  ku aadan bad-baadinta geedka Dayibka,  “Waxaan maqal naa cimiladii way is-bedeshay. Waa na run oo way isbedeshay. Abaarahaa soo noq-noqonaya ayuun bay tani na ka mid tahay, oo waa uun abaar dhinac kale ka soo gashay dhirtii waaweynayd ee Dayibka ahayd. Ma aha Dayibka oo keliya, ee  dhir kaloo fara badan na, iyaga qudhoodda way saamaysay.

Markaa sidii wax looga qaban lahaa, ee inagu aynu u soo celin lahayn, oo hore na waa looga shaqaynayay, imika na waanu ka shaqayn doonaa, haddii ALLE SWT idmo” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Leave a Reply