Ximadaha Imaam Qasaali

0
365
  • Aadmigu marna ma helayo cid uga wanaagran oo uga daryeel badan Allah (sw)
  • Islaamku waa Qadiyada markasta guulaysanysa.
  • Dadka waa u adoomo waxa ay garanayaan, waana u cadow waxa aanay aqoon.
  • Nafta haddii aan la mashquulin, adiga ayay ku mashquulisa.
  • Marna shay looma jirisiin karo si ka qurux badan sida Allah (sw) Abuuray
  • Dadku marka ay saboolnimada ka baqayaan ayay sabool yihiin.
  • Haddii aad dhibta jirta wax ka qaban karto, inaad ku hoos noolaato waa ku nacasnimo
  • Doqonimada waxa ka mid ah in qofku awooddiisa xoogan ugu adeego hadafyo aan u qalmin.
  • Boqoradii Faraciinta iyo Romaanku waxa ay sheegteen Ilaahnimo markii ay arkeen Ummaddii oo caqli xumo ugu shaqaynaysa.
  • Niyadjabku waxa uu yimaadda marka hadafka qofku noqdo mid liita

 

Leave a Reply