Aqoonta Gaaban Ee Aadamiga! Aqoonta Hooyada Muranka Gelisay! Qaybta: 2aad

0
320

Maadaama dhacdadu ay tahay mid la yaab leh, garsoorka waxa uu amar ku bixiyay, taxaddar ahaan, in goobjooge maxkamadda ka socda loo xilsaaro  inta ay Lydia dhalayso ilmaheeda saddexaad ee uurka ay ku sido, iyo in muunad laga qaado hooyada iyo ilmaha dhasha isla marka uu dhasho ka dibna la isbarbar dhigo DNA-da, runtiina dhammaan codsiyada iyo talooyinka maxkamadda waa la fuliyay.

Markii ay umushahay Lydia, iyadoo maxkamadu goob ah, waxa laga qaaday DNA-ga hooyada iyo ilamaha, natiijaduna waxay noqontay mid aan khaldaneyn oo sax iyo in DNA-ga ilmaha dhashay aanu waafaqayn lana mid ahayn DNA-ga hooyada dhashay ee Lydia!..

Natiijadan ayaa qof walba gelisay jahwareer, waxaana maxkamaddu amartay baadhitaan cusub oo DNA ah .. Isla Markaana dhakhaatiirtu waxay go’aansadeen inay dhiig ka qaadaan hooyada meel aan caadi ahayn, sidaa darteed waxay tijaabo dhiig ka qaadeen ilmo galeenka Lydia, natiijaduna waxay gabi ahaanba la mid ahayd DNA-ga Ilamaha yar .. Laakiin sidee tani ku noqon kartaa mid dhacda, sidee buu qofku u leeyahay laba nooc oo dhiig ah?! SIdee hooyada DNA-ga , jidhkeeda laga qaado iyo kan laga qaaday ilmo galeenka u kala duwan yihiin? Cajiib..!

Sharaxaadda ayaa si fudud ugu jirta daah ka roga aqoonta iyo ogaansha “ chimera” , runti hooyada Lydia gebi ahaanba ma ahayn hooyada carruurta, waa run inay iyadu dhashay, laakiin sidoo kale waa carruurta ay dhashay walaasheed mataanta la ahayd, ee ay Lydia liqday markii ay ku jireen caloosha hooyadooda! Iyadoo la raacayo nidaamkaas, Lydia sidoo kale waxa ay noqonaysaa habaryarta caruurta ay dhasho. !!

Haa.. waa sidee xaalkan, waa maxay khiyaanadan … sidee hooyadood iyo habaryartood  isku mar u noqon karta?

Meeday habaryartood asal ahaan? Ma waxa ay ku nooshahay jidhka Lydia?! Haa, rumayso ama ha rumaysan, taasi waa runta, adiguna waxaa laga yaabaa inaad sido kale qaybo ka mid ah jidhka walaalka ama walaasha aad tahay oo aanad ogayn ..

Waa maxay Chimera iyo sababta ay u dhacdo? Chimera  waa qof ama xayawaan xambaarsan labo nooc oo unugyo ah ama DNA ah oo jidhkiisa ku jira, xaaladaan waxay dhacdaa markii mataanuhu wali ku jiraan caloosha, halkaas oo ay ka dhacdo in mid ka mid ah mataanaha uu cuno mataankiisa isagoo qaadanaya unugyadiisa iyadoo wax dhibaato ah ama astaamo u keenin hooyada isla markaana aanay dareemin, ma dareemeyso Xaaladdan oo kale, dhacdadan waxaa loo yaqaannaa Vanishing Twin Syndrome oo markii ugu horreysayna waxa  la ogaaday 1945..

Waxaa xusid mudan in xaaladdani aanay u dhicin si caadi ah, maadaama uurjiifka la liqay ama la nuugay unugyadiisa inta badan waa mid naafo ah oo aan caadi ahayn, halka uurjiifka kale uu ku jiro caafimaad aad u fiican, xaalada waxaa qeyb ahaan sharxi kara aragtida xulashada dabiiciga, taas oo ah, badbaadada qofka ugu fiican.

Mudooyinka danbe ee aaladaha ultrasound ee uurka jiifka lagu ogaado, waxa ay arintani noqotay mid caadi ah, tusaale ahaan, joogitaanka labo uurjiif ah oo caloosha kujirta ayaa la ogaadaa marka la sameynayo baadhitaanka todobaadyada hore hooyada, laakiin markii hooyadu ku laabato wakhtiga xiga, waxa mararka qaarkood dhacda in kaliya hal uurjiif ayaa soo muuqata, taasi oo tilmaamaysa Mataan baaba’aday inay jirto……..

 

Leave a Reply